Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi saraakiil sare oo ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Ankara.
Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Fathudiin Cali Maxamed, iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kulamada iyo hawlaha shaqo ee uu wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wado Turkiga. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.
XIGASHO:SONNA



























