| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS, Cali Balcad, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Dibadda ee Spain, Diego Martínez Belío, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga.
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS, Cali Balcad, ayaa Doha kulan kula yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Dibadda Spain Diego Martínez Belío.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Caalamiga ah ee Spain, Diego Martínez Belío, intii uu socday Madasha Amniga Caalamiga ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay siyaabaha loo xoojin karo loona horumarin karo wejiga xiga ee iskaashiga labada dal, iyadoo iskaashiga dhinaca kalluumeysiga uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee wadahadallada.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay sahamiyaan suurtagalnimada qabashada wadatashiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid, si loo dhiso hannaan joogto ah oo wadahadal iyo isdhaafsi aragtiyeed oo u dhexeeya labada dal, xilli ay Soomaaliya ballaarinayso iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay dalalka Yurub.

XIGASHO:SONNA