Weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka North Kordofan ee Sudan ayaa Sabtidii lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, halka tobannaan kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay koox u dooda xuquuqda aadanaha ee Sudan.
Ururka Emergency Lawyers ayaa sheegay in subaxnimadii Sabtida diyaarad drone ah lagu weeraray suuq ku yaalla deegaanka Abu Zaeima ee degmada Hamrat Al Sheikh.
Sida ku cad tirakoob horudhac ah, weerarka ayaa sababay dhimashada 11 qof oo rayid ah iyo dhaawaca tobannaan kale.
Kooxdu waxay sheegtay in weerarkan uu dhacay wax ka yar 24 saacadood kadib markii weerarro kale oo diyaaradaha drones-ka ah lagu beegsaday tuulooyin iyo gaari rayid ah oo ku sugnaa isla deegaankaas.
Iyadoo cambaareyneysa weerarka, kooxda ayaa sheegtay in bartilmaameedsiga joogtada ah ee rayidka, tuulooyinka, iyo gaadiidka shacabka uu muujinayo ixtiraam la’aan cad oo loo hayo nolosha dadka iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Ururuka ayaa sheegay in dhimashada sii socota ee dadka rayidka ah aan loo qaadan karin arrin caadi ah, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo weerarradan isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysa.
Deegaankaas ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo culus iyadoo Ciidanka Suudaan ay isku dayayaan inay dib ula wareegaan deegaanno ay maamulaan RSF.
Qaramada Midoobay ayaa bishii Maayo ka digtay kororka weerarrada drones-ka ee ka socda guud ahaan gobolka Kordofan, iyadoo sheegtay in weerarradaas ay dileen ugu yaraan 880 qof oo rayid ah muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Abriil 2026.
Gobollada North Kordofan, South Kordofan, iyo West Kordofan ayaa tan iyo Oktoobar 2025 martigelinayay dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidanka Sudan iyo RSF.
Suudaan ayaa ku jirtay colaad tan iyo Abriil 2023, markaas oo dagaal uu ka dhex qarxay ciidanka dowladda iyo RSF kadib muran ka dhashay qorshaha lagu dhex darayay ciidamadaas militariga qaranka. Dagaalka ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ugu daran dunida, isagoo dilay tobannaan kun oo qof islamarkaana barakiciyay ku dhowaad 13 milyan oo kale.

























