| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Caafimaadka DFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WHO, kana wada hadlay iskaashiga
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaadka, taageerada hooyada & dhallaanka, kor u qaadidda tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta WHO.
Wasiirka Caafimaadka DFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WHO, kana wada hadlay iskaashiga
Wasiirka Caafimaadka DFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WHO, kana wada hadlay iskaashiga / User Upload
14 saacadood ka hor

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Geneva kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, taageerada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadidda tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashi dhow oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyada oo si gaar ah loo wajahayo duruufaha adag iyo goobaha nugul.

XIGASHO:SONNA