Qatar ayaa Khamiistii sheegtay in nidaamyadeeda difaaca hawada ay soo rideen dhowr gantaal oo laga soo riday Iiraan, iyadoo colaadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran ay sii kordhayaan guud ahaan gobolka.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in laba gantaal oo nocoa riddada dheer ah, hal gantaal oo nooca cruise-ka ah iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn laga soo riday Iiraan, balse ay qabteen oo burburiyeen nidaamyada difaaca hawada ee Qatar.
Xiisadaha gobolka ayaa sii kordhaya tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay 28-kii Febraayo weerar wadajir ah ku qaadeen Iiraan, taasoo ilaa hadda lagu dilay qiyaastii 1,300 oo qof isla markaana lagu dhaawacay in ka badan 10,000 oo kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan.
Tehran ayaa uga jawaabtay weerarro drone iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, Ciraaq iyo dalalka Gacanka ee ay ku yaallaan saldhigyada milatari ee Mareykanka.

















