Mareykanka iyo Sucuudiga oo tababar ciidan oo wadajir ah ka bilaabay lamadegaanka California

Tababarkan ciidan oo lagu magacaabo Quincy-1 ayaa ujeeddadiisu tahay “kor u qaadista diyaar garowga hawlgallada iyo is-weydaarsiga khibradaha,” sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga

By
Iridka Xarunta Tababarka Qaranka oo ah goob tababar ciidan oo Maraykanku leeyahay, kuna taalla lamadegaanka Mojave ee Fort Irwin, California. / Reuters

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa bilaabay tababar ciidan oo wadajir ah oo ka socda saldhigga ciidanka ee Fort Irwin oo ku yaalla gobolka California, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga.

Wasaaraddu ayaa bayaan ay soo saartay fiidnimadii Arbacada ku sheegtay in tababarka wadajirka ah ee Quincy-1 uu ujeedkiisu yahay "kor u qaadidda diyaar-garowga hawlgallada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo xoojinta isku-dhafka howlgalada wadajirka ah ee laga fulinayo goobaha dagaalka ee kala duwan."

Wasaaraddu ma aysan faahfaahin muddada uu soconayo tababarka ama tirada shaqaalaha ka qaybgalaya.

Xarunta Tababarrada ee Fort Irwin waa goob tababar oo muhiim ah oo loogu talagalay ciidanka Mareykanka, waxaana uu ku fidsan yahay ku dhawaad 3,108 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ku taalla saxaraha Mojave ee gobolka California.