| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah
Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay shir saddex maalmood soconaya oo ay ka qaybgalayaan 30 hoggaamiye oo ka socda qurbo-joogta Soomaaliyeed
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah / SONNA

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa Axaddii furay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kaashanaya Waaxda Arrimaha Qurbo-joogta ee Wasaaradda. Waxaa sidoo kale goobta joogay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xamza Aadan Xaadow.

Shirka ayaa isu keenaya 30 hoggaamiye oo ka socda qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Yurub, Waqooyiga Ameerika, Bariga Dhexe iyo Afrika, iyo wakiillo ka socda hay’adaha federaalka, si loo diyaariyo Qorshe-hawleedka Talagelinta Qurbo-joogta, kaas oo aqoonta, xiriirrada iyo maalgashiga Soomaalida dibadda ku nool la waafajinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaaminaya dhinaca farsamada, iyadoo taageero laga helayo Waaxda Arrimaha Qurbo-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo lagu xoojinayo iskaashiga
Maamulka Muqdisho waxa uu dib u furay saddex waddo oo muhiim ah si loo fududeeyo isu socodka
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka