| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Xamza oo Kulan la Qaatay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka kala hadlay horumarka laga sameeyay dhismaha Akadeemiyadda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hoggaaminta Soomaaliya.
RW Xamza oo Kulan la Qaatay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka
RW Xamza oo Kulan la Qaatay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Arbacadii kulan heer sare ah la yeeshay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka (NLA), oo ka shaqeysa horumarinta hoggaaminta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay horumarka laga sameeyay hawlaha Akadeemiyadda, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in la dhammaystiray xarumaha ay ku shaqeyn doonto, la diyaariyay manhajkeeda, isla markaana heshiisyo is-afgarad ah lala gaaray hay’ado iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa Golaha iyo maamulka ku bogaadiyay shaqada ballaaran ee ay ka qabteen dhismaha Akadeemiyadda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin hay’ado waxbarasho oo isbeddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kor u qaada wacyiga bulshada, wax ka beddela fikradaha khaldan, isla markaana soo saara hoggaamiyeyaal ka shaqeeya danaha dalka iyo dadka.

“Waa inaan helnaa hay’ado waxbarasho oo isbeddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kor u qaada wacyiga qofka, beddela fikradaha qaldan, isla markaana soo saara dad leh tayo hoggaamineed oo ku saleysan danaha dalka iyo dadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Maamulka iyo Maareynta NLA ku boorriyay inay horumariyaan habab cusub oo wax looga qabanayo dhaqamada bulsho ee caqabadda ku ah horumarka dalka, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo kala-qaybsanaanta qabyaaladeed.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga
Madaxweyne Xasan Sheekh: Marnaba ma aqbali doonno in Israa'iil ay saldhig ka sameysato Berbera
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga Badda Cas
Liibiya iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay qabanqaabada Shir-madaxeedka Afrika iyo Turkiga
Trump oo ka gaabsaday inuu Netanyahu si cad ugu taageero doorashada soo socota ee Israa’iil
Midowga Afrika: Itoobiya, Eriteriya iyo Masar ha ka fogaadaan hurinta xiisadda
Eriteriya oo xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar iyo Ergayga QM oo Ka Wada Hadlay Geeddi-socodka Siyaasadda Liibiya
5 Qof oo Dhintay, 47 Kalena ku Dhaawacmay Weerar RSF ka Fuliyey Hoyga Ardayda Jaamacadda Kordofan
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada
Codbixinta Galmudug & Hirshabeelle oo si Nabad ah ku Soo Dhammaaday, Tirinta Codadka oo Bilaabanaysa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha uga Qaybgalaya Kulanka Baarlamaannada EAC iy Shirweynaha IPU
Wariye Muhammad al-Najjar iyo siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Xasilloonida Suudaan
Masar oo Beenisay Faragelin Kaddib Markii Itoobiya ku Eedeysay Taageeridda Kooxo Hubeysan
Soomaaliya ayaa Sheegtay In ay Mar Walba Garab Taagan Tahay Falastiin