Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Arbacadii kulan heer sare ah la yeeshay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka (NLA), oo ka shaqeysa horumarinta hoggaaminta Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay horumarka laga sameeyay hawlaha Akadeemiyadda, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in la dhammaystiray xarumaha ay ku shaqeyn doonto, la diyaariyay manhajkeeda, isla markaana heshiisyo is-afgarad ah lala gaaray hay’ado iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah.
Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa Golaha iyo maamulka ku bogaadiyay shaqada ballaaran ee ay ka qabteen dhismaha Akadeemiyadda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin hay’ado waxbarasho oo isbeddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kor u qaada wacyiga bulshada, wax ka beddela fikradaha khaldan, isla markaana soo saara hoggaamiyeyaal ka shaqeeya danaha dalka iyo dadka.
“Waa inaan helnaa hay’ado waxbarasho oo isbeddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kor u qaada wacyiga qofka, beddela fikradaha qaldan, isla markaana soo saara dad leh tayo hoggaamineed oo ku saleysan danaha dalka iyo dadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Maamulka iyo Maareynta NLA ku boorriyay inay horumariyaan habab cusub oo wax looga qabanayo dhaqamada bulsho ee caqabadda ku ah horumarka dalka, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo kala-qaybsanaanta qabyaaladeed.























