Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle

Geelle, ayaa dib loo doortay markii lixaad, isagoo sii dheereynaya xukunkiisa oo soo socday muddo 27 sano ah.

By
Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle / User Upload

Farriimo hambalyo ah oo isdaba-joog ah, kana imanayay hoggaamiyeyaasha caalamka ee qaaradaha Afrika, Aasiya, Yurub, Bariga Dhexe, iyo Maraykanka, ayaa soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxdan ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan muddo-xileedkiisa cusub, iyagoo ballan-qaaday sii wadidda iskaashiga kala dhexeeya dalkan ku yaalla Geeska Afrika.”

Geelle, ayaa dib loo doortay markii lixaad, isagoo sii dheereynaya xukunkiisa oo soo socday muddo 27 sano ah.

Sida ku cad natiijada rasmiga ah, Madaxweyne Geelle ayaa helay aqlabiyad weyn oo ah 97.8% codadkii la dhiibtay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 11-kii bishan Abriil, isagoo ka guuleystay musharraxii la tartamayay ee Maxamed Faarax Samatar.

Maalintii Axadda, Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweyne Geelle si uu ugu hambalyeeyo guushiisa.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay xiriirka laba-geesoodka ah iyo horumarrada gobolka ee ay wadaagaan.

Wicitaankan ayaa xigay hambalyooyin hore oo ka yimid dowladda Sacuudi Carabiya iyo dalal kale oo carbeed, taas oo muujinaysa xiriirka dhow ee Jabuuti ay la leedahay gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dhambaal rasmi ah u diray Madaxweynaha Jabuuti, isagoo muujiyay kalsoonida uu ku qabo tubta horumarka ee dalkaas, isla markaana dib u xaqiijiyay sida ay Beijing uga go’an tahay xoojinta xiriirka.

Madaxweyne Xi ayaa xusay in kalsoonida siyaasadeed ee labada dal ay aad u qotodheeraatay sanadihii u dambeeyay, isagoo ballan-qaaday iskaashi dheeri ah oo hoos yimaada Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa isna bogaadiyay guusha Geelle, isagoo muujiyay kalsoonida uu ku qabo in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono muddo-xileedkan cusub.

Waxaa sidoo kale dhambaallo hambalyo ah soo diray Madaxweynaha Mooritaaniya, Maxamed Ould Ghazouani, iyo Madaxweynaha Gaaboon, Brice Oligui Nguema, kuwaas oo ammaanay hannaanka doorashada Jabuuti.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO, Khaled El-Enany, ayaa farriin uu soo diray ku ammaanay doorka Jabuuti ay ka qaadato mudnaanta horumarinta waxbarashada caalamka, isagoo xaqiijiyay wada-shaqaynta ajandayaasha horumarinta caalamiga ah.

Sidoo kale, Wafdiga Midowga Yurub ee Jabuuti ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada. Hoggaamiyeyaal kale oo caalami ah ayaa iyaguna soo diray dhambaallo hambalyo ah, waxaana ka mid ahaa; Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Boqorka Marooko Mohammed VI, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, iyo madaxa Golaha Sare ee Suudaan, Cabdulfataax Al-Burhaan.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Francophonie Louise Mushikiwabo, ayaa bogaadiyay xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka Jabuuti.

Dhanka qaaradda Afrika, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qayb ka ahaa mas’uuliyiinta bogaadiyay dib-u-doorashada Madaxweyne Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa khadka taleefanka wada-hadallo kula yeeshay Madaxweyne Geelle, iyagoo falanqeeyay xiriirka laba-geesoodka ah iyo arrimaha amniga iyo dhaqaalaha gobolka.

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Jabuuti, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee khadka taleefanka ugu hambalyeeya dhiggooda Jabuuti, iyadoo uu sidoo kale dhambaal horudhac ah soo diray Suldaanka dalka Cumaan, Haitham bin Daariq.

Ugu dambeyn, Madaxtooyada Jabuuti ayaa sheegtay in tirada iyo kala-duwanaanshaha farriimahan ay muujinayaan aqoonsiga ballaaran ee caalamku uu u hayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka iyo booska istaraatiijiga ah ee uu kaga jiro Geeska Afrika, iyadoo mas’uuliyiintu ay xuseen in uu jiro dardar diblomaasiyadeed oo xooggan kaddib doorashadii dhacday.