| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
1 daqiiqo akhris
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay Madasha Wadahadalka Istaraatiijiga ah ee Maalgashiga, oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo ballaarinta fursadaha maalgashi ee dalka.
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga / SONNA

Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Madasha Wadahadalka Istaraatiijiga ah ee Maalgashiga, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adda maalgashiga iyo bangiyada Soomaaliyeed iyo ballaarinta fursadaha iyo mashaariicda maalgashi ee dalka.

Madasha ayaa looga hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, baahiyaha maalgelinta, mashaariicda diyaarka u ah maalgashiga iyo doorka bangiyada Soomaaliyeed ee taageeridda maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha ee uu hoggaaminayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, Isagoo ka hadlaya madasha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku xirka fursadaha maalgashi iyo awoodda maalgelinta ee hay’adaha maaliyadeed.

Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa sidoo kale tilmaamay doorka bangiyada Soomaaliyeed ee taageeridda maalgashiga iyo kobaca ganacsiga, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda hannaan iskaashi oo wax-ku-ool ah si loo fududeeyo maalgelinta mashaariicda iyo fursadaha maalgashi.

Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan hay’adaha maalgashiga, bangiyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA