| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Taliyaha CXDS, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka iyo dhisidda awoodda ciidamada.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga milatari iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

XIGASHO:SONNA