| Somali
CAALAMKA
4 daqiiqo akhris
Macky Sall: Madaxweynihii hore ee Senegal oo u ololeynaya xilka Qaramada Midoobay
Muddadii 12-ka sano ahayd ee uu xafiiska joogay, Macky Sall waxa uu inta badan ku kasbaday naanaysta ah “Jooloojistaha Siyaasadda,” taas oo ka turjumaysa xirfaddiisa fahamka iyo la-tacaalidda xaaladaha cakiran iyo isbedbeddelka bulshada Senegal.
Macky Sall: Madaxweynihii hore ee Senegal oo u ololeynaya xilka Qaramada Midoobay
[Sawir hore] Macky Sall: Madaxweynihii hore ee Senegal oo u ololeynaya xilka Qaramada Midoobay / AFP

Madaxweynihii hore ee dalka Senegal, oo ah diblomaasi rug-caddaa ah isla markaana horseeday isbeddello goboleed, ayaa doonaya in uu baddelo Antonio Guterres oo uu la wareego hoggaanka Qaramada Midoobay, isagoo madasha ugu sarraysa adduunka la tegaya waayo-aragnimo, xiriir caalami ah, iyo hiigsi ku aaddan matalaadda qaaradda Afrika.

Muddadii 12-ka sano ahayd ee uu xafiiska joogay, Macky Sall waxa uu inta badan ku kasbaday naanaysta ah “Jooloojistaha Siyaasadda,” taas oo ka turjumaysa xirfaddiisa fahamka iyo la-tacaalidda xaaladaha cakiran iyo isbedbeddelka bulshada Senegal.

Haatan, xilli uu ka gudbayo madaxtinimada dalkiisa oo uu si xooggan ugu ololeynayo xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sanadka 2026, ayaa dib-u-qiimeyn lagu samaynayaa dhaxalkii uu ka tegay, iyadoo loo arko hoggaamiye dalkiisa ku yaalla Galbeedka Afrika u rogay goob dhisme oo u diyaarsan horumarka mustaqbalka.

Sall waxa uu 11-kii Diseembar 1961-kii ku dhashay magaalada Fatick ee galbeedka Senegal, wuxuuna shaqadiisa ka billaabay cilmiga Jooloojiyada ka hor inta uusan ku soo biirin shaqada dowladda.

Waxa uu sannadkii 1988-kii shahaadada Master-ka ee Jooloojiyada ka qaatay Jaamacadda Cheikh Anta Diop ee magaalada Dakar, isagoo khibrad ka kasbaday waaxaha tamarta iyo macdanta ee Senegal, taas oo qaabaysay xilalkiisii ugu horreeyay ee dowladda.

Kaddib markii uu ra’iisul wasaare u soo noqday madaxweyne Cabdullaahi Wade, Sall waxa uu ka go’ay xisbigaas isagoo aasaasay Xisbiga Isbahaysiga Jamhuuriyadda (APR). Guushiisii doorashada ee sannadkii 2012 ayaa ahayd xilli taariikhi ah oo muujinaysay u-weecashada dhanka “Senegal-ta Soo Kabanaysa”.

Intii lagu guda jiray labadiisii muddo-xileed, Sall waxa uu dib-u-qaabeeyay muuqaalka guud ee dalka. Waxa uu diiradda ka weeciyay waddooyinka saxmadda badan ee caasimadda Dakar, isagoo u wareejiyay magaalada Diamniadio oo ah “magaalo casri ah” oo ku fadhida malaayiin doollar.

Muddadii uu xilka hayay, Senegal waxa ay daah-furtay tareenka xawaaraha dheereeya ee Train Express Régional (TER), waxayna si baaxad leh u ballaarisay helitaanka korontada ee deegaannada miyiga ah.

Hormuudka Isbahaysiyada Caalamiga ah

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Sall ayaa lagu qeexaa “dhex-dhexaadnimo firfircoon”.

Waxa uu ilaaliyay xiriirkii qotada dheeraa ee taariikhiga ahaa ee uu la lahaa Faransiiska iyo Maraykanka, isagoo dhanka kalena si xooggan u raadinayay saaxiibbo cusub oo soo kordhin kara natiijooyin degdeg ah.

Arrintii ugu muhiimsanayd ee istaraatiijiyaddan ayaa ahayd iskaashiga ballaaran ee uu la yeeshay dalka Turkiga.

Halkii uu si buuxda ugu tiirsanaan lahaa gargaarkii dhaqanka u ahaa waddamada reer galbeedka, Sall waxa uu abuuray xiriir “walaalnimo” oo shakhsi iyo mid shaqaba ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Xiriirkan ayaa dhaliyay natiijooyin degdeg ah oo la taaban karo. Shirkadaha Turkiga ee Summa iyo Limak ayaa noqday saaxiibbadiisa uu doorbido ee mashaariicda waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka Cabdullaahi Wade oo qaada 50,000 oo qof iyo Garoonka Dakar Arena.

Sannadkii 2022-kii, yoolka ganacsiga ee kala dhexeeya Senegal ayaa in ka badan laba-jibbaarmay isagoo ka kacay $400 oo milyan lana gaarsiiyay $1 bilyan, sida uu Madaxweyne Erdoğan ka sheegay Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Senegal. “Yoolkeennu hadda waa 1 bilyan oo Doollar. Dadaalladeena wadajirka ah waxaan tiradan ku gaari doonnaa waqti gaaban gudaheed,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Wuxuu sidoo kale xusay in ganacsiga Senegal lala leeyahay uu sanadkii 2021-kii kordhay 42%, isagoo gaaray $540 milyan, inkastoo uu jiray culeyskii safmarka Koronafayras (COVID-19).

Sannadkii 2024-kii, Sall waxa uu ka yaabiyay dhaleeceeyeyaal badan kaddib markii uu si buuxda ugu hoggaansamay xadka dastuuriga ah, islamarkaana uu dusha kala socday xil-wareejin nabad ah oo uu awoodda dalka ugu dhiibay xisbiyadii mucaaradka.

Tallaabadan ayaa xoojisay maqaamkiisa “odayga qaran” ee qaarad ay ku badan tahay in madaxdu ay raadiyaan muddo-xileed saddexaad.

Haatan, isagoo ka shidaal-qaadanaya diiwaankiisa waxqabad ee xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika, Sall waxa uu u ololeynayaa in uu noqdo mas’uulkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee qabta xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay muddo tobanaan sano ah.