| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Wafdi Sacuudiyaan ah Kala Hadlay Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, wacyigelinta bulshada iyo tababarrada hay’adaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Wafdi Sacuudiyaan ah Kala Hadlay Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Wafdi Sacuudiyaan ah Kala Hadlay Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Xajri, Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo La-dagaallanka Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga warbixin ka siiyay tallaabooyinka iyo istaraatiijiyadaha ay Soomaaliya u dejisay la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, gaar ahaan kuwa ay faafiso kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale tilmaamay kororka wacyiga bulshada ee ku aaddan khatarta kooxaha beegsada nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wafdiga Sacuudi Carabiya ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweynta, iyagoo xaqiijiyay diyaar-garowga Boqortooyada ee taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan wadaagista khibradaha iyo waayo-aragnimada la xiriirta ka hortagga fikradaha xagjirka ah. Taageerada la soo jeediyay ayaa isugu jirta ololeyaal wacyigelin bulsho, tababarro la siinayo shaqaalaha iyo kaalmooyin kale oo lagama maarmaan ah.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo La-dagaallanka Xagjirnimada ee Sacuudi Carabiya iyo Xarunta Qaran ee Tubsan, oo hoos timaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana qaabilsan la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadato amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyo taageerada ay shacabka Soomaaliyeed ka siiso dhinacyada kala duwan.

XIGASHO:SONNA