Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
TURKIGA
6 daqiiqo akhris
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetkaIyadoo uu sii kordhayo u nuglaanta carruurta ee waxyeellada internetka, Marwada 1-aad Emine Erdogan ayaa ku baaqday heerar caalami ah oo lagu ilaaliyo carruurta, halka xaasaska madaxda caalamkuna ay dalbadeen ilaalin xooggan oo dhanka dhijitaalka ah.
Marwada Koowaad ee Turkiga, Emine Erdogan, ayaa ku baaqday tallaabo caalami ah oo looga hortago khataraha shirkadaha tiknoolajiyadda.

Iyadoo shirkadaha tiknoolajiyaddu ay sii ballaarinayaan saameynta ay ku leeyihiin nolosha carruurta, marwooyinka koowaad iyo xaasaska hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku baaqay hannaan caalami ah oo mideysan oo lagu ilaaliyo carruurta isticmaasha internetka, iyadoo Marwada Koowaad ee Turkiga Emine Erdogan ay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay dejiso heerar mideysan oo lagu xaqiijinayo badbaadada dhijitaalka ah.

Iyadoo 21-kii Sebtembar ka hadleysay kulan heer sare ah oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Erdogan ayaa sheegtay in xeerarka ay dalalku gaar-gaar u dejistaan aysan si ku filan wax uga qaban karin caqabadaha ka dhasha shirkadaha tiknoolajiyadda ee caalamiga ah, waxayna ku baaqday tallaabo caalami ah oo la isku dubbariday.

Munaasabadda oo cinwaankeedu ahaa “Qaab-dhismeedka Aan Muuqan: Dhisidda Nidaamyo Dhijitaal ah oo Ammaan u ah Carruurta”, ayaa lagu qabtay dhinacyada toddobaadka heerka sare ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay martigelisay Erdogan, lana kaashaday UNICEF iyo Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Rabshadaha ka dhanka ah Carruurta.

Doodda ayaa isu keentay marwooyinka koowaad iyo xaasaska madaxda dalalka iyo dowladaha ee 13 dal, kuwaas oo iftiimiyay khataraha sii kordhaya ee carruurtu kala kulmaan internetka iyo baahida loo qabo in badbaadadooda laga dhigo mas’uuliyad caalami ah oo la wadaago.

Xayiraadaha qaran ilaa heerar caalami ah

Erdogan ayaa ka digtay in tiknoolajiyadda gebi ahaanba loo arko khatar, balse waxay sheegtay in baraha dhijitaalka ahi ay ka gudbeen inay yihiin oo keliya aalado isgaarsiineed, ayna noqdeen nidaamyo jihayn kara bulshooyinka oo dib u qaabeyn kara nolol maalmeedka.

“Ma noqon karno oo keliya daawadayaal iyadoo tiknoolajiyaddii aan annagu abuurnay ay indhaheenna hortooda ku abuureyso nooc cusub oo bani’aadam ah oo u adeegaya ujeeddooyinkeeda,” ayay tiri.

Waxay dhaliishay hababka ganacsi ee faa’iidada iyo kordhinta isticmaalka ka hormariya fayo-qabka carruurta, iyadoo sheegtay in cadaadiska nidaamyada noocaas ahi ku hayaan carruurta ay tahay in wax laga qabto.

“Xaqiijinta badbaadada carruurtu ma aha mas’uuliyadda waalidiinta oo keliya; waa mas’uuliyad ina wada saaran. Waa inaan dhisnaa deegaan dhijitaal ah oo caafimaad qaba, isla markaana xaqiijinnaa in badbaadadu aysan noqon wax dheeraad ah oo markii dambe lagu daro nidaamyada dhijitaalka ah, balse ay noqoto halka laga bilaabo naqshadeyntooda,” ayay tiri.

Waxay xustay in Turkigu goor hore hirgeliyay tallaabooyin sharci iyo farsamo oo ku saabsan isticmaalka baraha bulshada ee carruurta. Hase yeeshee, xeerarka ay dalalku gaar-gaar u dejistaan waxay adkeyn karaan in la sameeyo heerar mideysan marka shirkaduhu si caalami ah u shaqeeyaan.

“Sidaas darteed, waa inaan mideynnaa dadaalladeenna,” ayay Erdogan tiri, iyadoo ku baaqday heerar caalami ah oo mideysan oo hoos yimaada Qaramada Midoobay, laguna taageerayo habab joogto ah oo kormeer iyo warbixin ah.

Soo-jeedinteeda waxaa taageeray khudbad-jeediyayaal kale, kuwaas oo sidoo kale sheegay in dabeecadda xuduudaha ka gudubta ee baraha dhijitaalka ahi ay u baahan tahay jawaab ka ballaaran sharciyada qaran.

Xaaska Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Sahar Salam ayaa taageertay hannaan caalami ah oo mideysan oo lagu dejinayo heerarka ugu yar ee badbaadada carruurta, mas’uuliyado cad oo saaran shirkadaha tiknoolajiyadda iyo iskaashi wax ku ool ah oo xuduudaha ka gudba.

“Ma jiro dal keligiis carruurtiisa uga ilaalin kara dunida dhijitaalka ah. Tiknoolajiyaddu waxay isla markiiba ka gudubtaa xuduudaha. Nidaamyadeenna ilaalintuse sidaas ma sameeyaan,” ayay tiri.

Marwada Koowaad ee Romania Mirabela Gradinaru ayaa arrintan barbar dhigtay badbaadada waddooyinka, iyadoo xustay in dalalku leeyihiin xeerar iyo habab u gaar ah oo lagu dhaqan-geliyo, halka internetku uusan lahayn xuduudo la mid ah.

“Dhibaatadu hadda ma aha mid maxalli ah; sidaas darteed, xalkuna ma noqon karo mid maxalli ah oo keliya,” ayay tiri.

Marwada Koowaad ee Chile María Pía Adriasola Barroilhet ayaa dhankeeda dadka waaweyn ugu baaqday inay tusaale noqdaan, iyadoo sheegtay in waalidiintu ay diyaar u noqdaan inay iyaguna ka fogaadaan shaashadahooda haddii ay carruurta ka filayaan inay sidaas oo kale sameeyaan.

Khataraha carruurtu kala kulmaan shaashadaha

Marka laga soo tago sharciyeynta, khudbadaha ayaa iftiimiyay sida deegaannada dhijitaalka ahi carruurta ugu bandhigaan ka faa’iideysi, marin-habaabin, cagajugleyn internetka ah, waxyaabo waxyeello leh iyo ku xadgudubka asturnaanta.

Boqoradda Belgium Mathilde ayaa hadalkeeda diiradda ku saartay xuquuqda carruurta, iyadoo sheegtay inaan carruurta loo adeegsan karin doorsoome ka mid ah hababka ganacsi ee shirkadaha tiknoolajiyadda.

“Waxaa ina wada saaran mas’uuliyad ah inaan tallaabo qaadno si loo ilaaliyo xuquuqda, badbaadada iyo fayo-qabka carruurta,” ayay tiri.

Marwada Koowaad ee Burundi Angeline Ndayishimiye ayaa qiratay fursadaha ay tiknoolajiyadaha dhijitaalka ahi siinayaan dhallinyarada, gaar ahaan Afrika, iyadoo isla markaana ka digtay in faa’iidooyinkaas ay la socdaan khataro sii kordhaya oo ku wajahan badbaadada iyo karaamada carruurta.

Marwada Koowaad ee Kenya Rachel Ruto ayaa internetka ku tilmaantay goob dhijitaal ah oo la wadaago, taas oo khataraheedu aysan ixtiraamin xuduudaha dalalka.

“Xogta ilmaha, sawirkiisa, goobta uu joogo iyo hab-dhaqankiisa internetka ma aha badeecooyin la urursan karo; waxay qayb ka yihiin karaamada, xuquuqda iyo mustaqbalka ilmahaas,” ayay tiri.

Dooddu waxay sidoo kale ka gudubtay baraha bulshada oo gaartay Garaad Gacmeedka, iyadoo xaaska Ra’iisul Wasaaraha Canada Diana Fox Carney ay ka digtay in Garaad Gacmeedku yahay wejiga xiga ee ilaalinta carruurta.

“Carruurteennu ma aha inay carruurnimadooda u huraan tiknoolajiyadaha aan annagu abuurno,” ayay tiri.

Marwada Koowaad ee Serbia Tamara Vucic ayaa ku baaqday in carruurta la siiyo aqoonta ay ku fahmi karaan Garaad Gacmeedka, iyadoo sidoo kale la dejinayo heerar ammaan ah oo loogu isticmaalo waxbarashada iyo iskaashi caalami ah oo xooggan.

Marwada Koowaad ee Lithuania Diana Nausediene ayaa dhankeeda dalalka ugu baaqday inay sahamiyaan xalal tiknoolajiyadeed oo suuragelin kara xaqiijinta da’da si wax ku ool ah, iyadoo xogta shakhsiga ah laga ilaalinayo daadashada, dabagalka iyo sameynta xog-ururin qofeed.

Badbaadada carruurta oo laga dhigayo mas’uuliyad wadareed

Khudbad-jeediyayaal dhowr ah ayaa carrabka ku adkeeyay in heerarka caalamiga ah ay tahay inay la socdaan waajibaad cad oo saaran shirkadaha tiknoolajiyadda iyo taageero wax ku ool ah oo la siiyo qoysaska, iskuullada iyo bulshooyinka.

Marwada Koowaad ee Guatemala Lucrecia Eugenia Peinado Villanueva ayaa shirkadaha ugu baaqday inay xuquuqda iyo badbaadada carruurta udub-dhexaad uga dhigaan hawlahooda, iyadoo dowladahana ugu baaqday inay dejiyaan oo dhaqan-geliyaan heerar cad.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in carruurta laftooda cod lagu siiyo go’aannada saameynaya noloshooda dhijitaalka ah.

Marwada Koowaad ee Gambia Fatoumatta Bah Barrow ayaa sheegtay in horumarka tiknoolajiyadda aan lagu cabbirin oo keliya hal-abuurka, balse sidoo kale lagu qiimeeyo in carruurtu si ammaan ah uga faa’iideysan karaan.

“Sannado kaddib, su’aasha ugu muhiimsan ma noqon doonto heerka ay tiknoolajiyaddeennu u caqli badatay. Waxay noqon doontaa in carruurteennu ay si ammaan ah uga faa’iideysan kareen fursadaha ay bixiso,” ayay tiri.

Marwada Koowaad ee Senegal Marie Khone Faye ayaa sidoo kale xaasaska hoggaamiyeyaasha caalamka ugu baaqday inay fagaarayaashooda dadweynaha u adeegsadaan abaabulka taageerada iyo in ballanqaadyada loo beddelo tallaabooyin dhab ah.

Marwada Koowaad ee Sierra Leone Fatima Maada Bio ayaa sheegtay in mabda’a hagaya uu noqdo in horumarka tiknoolajiyaddu xoojiyo xuquuqda iyo fayo-qabka carruurta halkii uu wiiqi lahaa.

Khudbadaha ayaa ku mideysnaa farriin muhiim ah: ilaalinta carruurta dunida sii kordheysa ee isku xiran waxay u baahan tahay wax ka badan sharciyeynta helitaankooda tiknoolajiyadda.

Waxay u baahan tahay in shirkadaha naqshadeeya deegaannada dhijitaalka ah lala xisaabtamo, dowladuhu iskaashadaan, carruurtana loo aqoonsado inay leeyihiin xuquuq ay tahay in badbaadadooda laga hormariyo danaha ganacsi.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb-galay shirka nabadda Qaza
Fidan oo Ka Qaybgalay Kulankii 6-aad ee Wasiirrada Dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi
Erdogan: Qaza waa 'xeryaha dadka lagu ururiyo ee ugu bahalnimada iyo ceebta badan' zamankeenna
Erdogan oo ku baaqay dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka QM iyo in la baabi’iyo awoodda Veto
Turkiga oo beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad dal-ku-gal saartay muwaadiniintiisa
Garoonka Diyaaradaha Istanbul oo loo aqoonsaday xarunta duulimaadyada ugu isku-xirka badan caalamka
Heshiiska difaaca Makka oo farriin u diraya dunida Islaamka: Erdogan
Isku-dhafka kooxaha hubeysan oo muhiim u ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya: Fidan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo Ankara kula kulmay safiirka Mareykanka iyo madaxda OTS
Soomaaliya oo cambaareysay olole lagu dhaawacayo xiriirka Muqdisho iyo Ankara
Turkiga iyo toddobo dal oo kale oo cambaareeyay qorshayaasha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Turkiga ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 104-aad ee Maalinta Guusha
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Turkiga iyo Pakistan oo ku Kulmay Istanbul
30-ka Agoosto: Guushii waddada u xaartay dhismaha Turkiga casriga ah
Erdogan oo xusay sannad-guurada 104-aad ee Guushii Weynayd ee Turkiga
Daraasad: Soomaalida oo Turkiga u aragta saaxiibka dibadeed ee ugu kalsoonida badan
Madaxweyne Erdogan oo nabadda gobolka iyo xiriirka dalalka kala hadlay madaxda Rwanda iyo DRC