Guddoomiyaha Golaha Ku-meelgaarka ah ee Madaxbannaanida Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa Khamiistii sheegay inuu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku xaqiijiyay sida ay Suudaan uga go’an tahay dadaallada Washington ee lagu gaarayo nabad ka dhalata dalka ay dagaalladu halakeeyeen.
“Waxaan warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, anigoo mar kale xaqiijiyay sida ay Suudaan uga go’an tahay dadaallada nabadeed ee Mareykanka,” ayuu Burhaan ku qoray barta bulshada ee X, oo laga leeyahay Mareykanka.
“Dowladda Suudaan waxay diyaar u tahay inay si daacadnimo leh ula shaqeyso dhammaan dhinacyada, si loo gaaro nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo ilaalinaysa madaxbannaanideenna, midnimadeenna, wadajirka dhulkeenna iyo karaamada shacabkeenna,” ayuu raaciyay.
Hadalka Burhaan ayaa yimid maalmo kaddib markii la-taliyaha sare ee Mareykanka, Massad Boulos, uu cambaareeyay weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo 9-kii Oktoobar ka dhacay magaalada An Nuhud ee gobolka Galbeedka Kordofan, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof oo rayid ah.
Ciidanka Wadajirka ah ee kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ciidanka Suudaan ayaa 5-tii Oktoobar ku dhawaaqay in ciidamadooda iyo ciidanka Suudaan ay la wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Bir Saliba ee Galbeedka Daarfuur, kaddib dagaallo ay la galeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).
Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka dalkaas iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale.
























