Xulafada Maraykanka ee Bariga Dhexe ayaa qarka u saaran inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan, sida lagu sheegay warbixin uu Isniintii daabacay Wargeyska Wall Street.
Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si tartiib tartiib ah ugu sii dhowaanaya inay la shaqeeyaan ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil, kadib weerarro isdaba joog ah oo Iiraan ka geysatay oo saameeyay dhaqaalahooda isla markaana halis gelinaya in Tehran ay hesho saameyn muddo dheer ah oo ku saabsan marinka Hormuz, sida uu qoray The Wall Street Journal.
Tallaabooyinka dhawaan ay qaadeen xulafada Bariga Dhexe ayaa xoojinaya awoodda Maraykanka ee fulinta duqeymo cirka ah, isla markaana furaya waddo cusub oo lagu beegsado dhaqaalaha Tehran, inkastoo aysan weli gaarsiisneyn heer ay si toos ah ugu diraan ciidamadooda dagaalka.
Inkasta oo dalalka Khaliijka ay sheegeen inaysan rabin inay si toos ah ugu lug yeeshaan dagaal ka dhan ah Iiraan, cadaadis ayaa sii kordhaya iyadoo Tehran ay ku hanjabeyso inay sii ballaariso saameynteeda gobolka hodanka ku ah tamarta.
Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan oggolaatay in ciidamada Maraykanku isticmaalaan saldhigga King Fahad ee ku yaalla galbeedka gacanka Carabta, sida warbixintu sheegtay. Horey boqortooyadu waxay u sheegtay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda ama hawadeeda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan, balse arrintaasi waxay u muuqataa inay is beddeli karto iyadoo Iiraan ay sii waddo weerarrada gantaallada iyo drones-ka ee ku wajahan Riyadh iyo xarumaha tamarta.
“Samirka Sacuudi Carabiya ee weerarrada Iiraan ma aha mid aan xad lahayn,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan u sheegay wariyeyaasha toddobaadkii hore kadib weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee Khaliijka. “Fikir kasta oo ah in dalalka Khaliijka aysan awood u lahayn inay jawaab bixiyaan waa qalad.”
Sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska Wall Street, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maaxmed bin Salmaan ayaa hadda doonaya inuu dib u soo celiyo awoodda ka hortagga, wuxuuna ku dhow yahay go’aan uu kaga qayb qaadanayo weerarrada. Ilo ayaa sheegay in “arrintu ay tahay waqti uun ka hor inta boqortooyadu ku biiri doonto dagaalka.”
Iyadoo dagaalku ku dhow yahay bil, Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay inuu cadaadis saaro hantida Iiraan, taas oo khatar gelinaysa il dhaqaale oo muhiim u ah Tehran, iyadoo sidoo kale ay ka doodayaan inay ciidamadooda ku biiriyaan dagaalka isla markaana ay ka soo horjeedaan xabbad-joojin aan si buuxda u wiiqin awoodda milatari ee Iiraan.
Imaaraadka ayaa dhawaan xiray Isbitaalka Iiraan iyo Naadiga Iiraan ee Dubai, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah. Telefoonada, kanaalada WhatsApp iyo website-ka isbitaalka ayaa shaqeyn waayay Isniintii, iyadoo maamulka caafimaadka Dubai ay sheegeen in xaruntu aysan sii shaqeynayn.
“Qaar ka mid ah hay’adaha si toos ah ula xiriira nidaamka Iiraan iyo IRGC ayaa la xiri doonaa kadib markii la ogaaday in loo adeegsaday ajandayaal aan u adeegin shacabka Iiraan isla markaana jebinaya sharciga Imaaraadka,” ayay dowladdu ku sheegtay bayaan.
Imaaraadka, oo muddo dheer ahaa xarun dhaqaale oo ay isticmaalaan ganacsatada Iiraan, ayaa uga digay Tehran in ay qaboojin karto balaayiin doolar oo hanti Iiraan ah, tallaabo si weyn u xaddidi karta helitaanka lacagaha qalaad iyo shabakadaha ganacsiga caalamka, taas oo sii daciifin karta dhaqaalaha Iiraan oo horeyba u saameeyay sicir-barar iyo cunaqabateyn.
Iyadoo weerarro dhowaan lagu qaaday xarumaha tamarta ee Sacuudi Carabiya, Kuwait, Imaaraadka iyo Qatar, dalalka Khaliijka ayaa sii mideysanaya diidmadooda Iiraan. Qatar ayaa cambaareysay weerarrada, iyadoo ku tilmaantay koror khatar ah iyo hanjabaad toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda.
Xulafada Bariga Dhexe ayaa xiriir joogto ah la leh maamulka Trump si loo go’aamiyo tallaabooyinka xiga ee dagaalka Iiraan. Si kastaba, haddii Iiraan ay sii waddo weerarradeeda ka dhanka ah dalalka Khaliijka, khubaradu waxay sheegeen in dalalkaasi ay u badan tahay inaysan haysan doorasho kale oo aan ka ahayn inay ku biiraan dagaalka.

















