| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Eegay Sharciga Bangiga Dhexe iyo Heshiisyada Iskaashiga Garsoorka
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday wax-ka-beddelka Sharciyeedka Bangiga Dhexe iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo qayb ka ah ajandaha kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Eegay Sharciga Bangiga Dhexe iyo Heshiisyada Iskaashiga Garsoorka
Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Eegay Sharciga Bangiga Dhexe iyo Heshiisyada Iskaashiga Garsoorka / SONNA

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qabtay kulankiisa 22-aad ee kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo sharciyeed oo muhiim u ah nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo xoojinta iskaashiga garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xildhibaannadu waxay soo gabagabeeyeen doodda akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Lr. 130 ee Abriil 2012. Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee kulanka, iyadoo Baarlamaanku dib u eegis ku sameeyay qodobbada la xiriira sharciga Bangiga Dhexe.

Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa dib u eegay warbixinta akhrinta labaad ee heshiisyada iskaashiga garsoorka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiisyadan ayaa la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinaca garsoorka, iyadoo arrimaha la horgeeyay Baarlamaanka ay qayb ka yihiin hawlaha sharci-dejinta iyo dib-u-eegista heshiisyada caalamiga ah ee dalka.

XIGASHO:SONNA