| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamijka Sugidda Amniga Xuduudaha Garoomada Diyaaradaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo barnaamijka ka daahfuray Muqdisho ayaa sheegay in amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha uu yahay tiir muhiim u ah amniga qaranka, iyadoo dowladdu ay waddo casriyeynta maamulka xuduudaha.
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamijka Sugidda Amniga Xuduudaha Garoomada Diyaaradaha
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamijka Sugidda Amniga Xuduudaha Garoomada Diyaaradaha

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa Muqdisho ka daahfuray barnaamij lagu dhisayo laguna xoojinayo amniga xuduudaha garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Barnaamijka oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Ingiriiska iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta awoodda hay’adaha amniga, casriyeynta maamulka xuduudaha, xoojinta amniga garoomada diyaaradaha iyo kor u qaadista iskaashiga hay’adaha ay khusayso.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha uu yahay tiir muhiim u ah amniga qaranka, isagoo xusay in dowladda ay mudnaan siinayso dhismaha hay’ado amni oo awood u leh la tacaalidda khataraha amni.

Waxaa la filayaa in barnaamijku kor u qaado xirfadda ciidamada amniga, wanaajiyo maamulka xuduudaha, fududeeyo isu socodka sharciga ah, isla markaana xoojiyo la dagaallanka khataraha ka gudba xuduudaha, iyadoo la waafajinayo heerarka caalamiga ah.

XIGASHO:SONNA