Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan ugu hanjabay cawaaqib militari oo aan hore loo arag haddii ay miinooyin ku xirtay Marinka Hormuz isla markaana ay ku guuldareysato inay si degdeg ah uga saarto.
“Haddii sabab kasta awgeed miinooyin la dhigo, oo aan si degdeg ah looga saarin, cawaaqibta militari ee Iiraan waxay gaari doontaa heer aan hore loo arag,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.
Wuxuu intaas ku daray in ka saarista miinooyinku ay noqon doonto “tallaabo weyn oo jihada saxda ah loo qaaday.”
Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku “uusan hayn wax warbixin ah” oo muujinaysa in Tehran ay miinooyin ku dhigtay marinkan.
Kadib, militariga Maraykanka ayaa sheegay inuu burburiyay 16 doon oo Iiraan ay ku rakibaysay miinooyin “agagaarka Marinka Hormuz,” kadib warar sheegaya in Tehran ay miinooyin ku dhigayso marinkan muhiimka ah oo ku dhowaad la xiray sabab la xiriirta dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.
“Ciidamada Maraykanka waxay baabi’iyeen dhowr markab oo badeed oo Iiraan ah 10-ka Maarso, oo ay ku jiraan 16 doon oo miinooyin dhiga oo ku dhow Marinka Hormuz,” ayay Taliska Dhexe ee Maraykanka ku sheegeen qoraal ay ku daabaceen barta X, kaas oo ay la socdeen muuqaal muujinaya doonyo kala duwan oo lagu dhuftay gantaallo kadibna qarxaya.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu adeegsan doono isla tiknoolajiyadda iyo nidaamyada gantaallada ee loo adeegsaday ka dhanka ah ganacsatada daroogada ee Kariibiyaanka si loo burburiyo markab kasta oo isku dayaya inuu miinooyin ku dhigo marinka.
Maraykanka ayaa tan iyo Sebtembar weerarayay doonyo lagu tuhunsan yahay inay daroogo ka ganacsadaan Kariibiyaanka iyo bariga Baasifiga, iyadoo tobanaan qof lagu dilay howlgal ballaaran oo ka dhan ah maandooriyaha.
Hanjabaaddan ayaa timid kadib warbixin ay CNN soo saartay oo sheegaysa in Iiraan ay bilowday inay miinooyin dhigto marinka.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in ilaa hadda kaliya dhowr iyo toban miinooyin la dhigay, balse Iiraan ay weli hayso ilaa 90 boqolkiiba doonyaha yaryar iyo maraakiibta miinooyinka dhiga, taasoo u oggolaanaysa inay boqolaal kale dhigi karto.
Dhanka kale, CBS News oo soo xiganaysa mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegtay in Iiraan ay u muuqato inay isku diyaarinayso inay miinooyin ku daadiso marinka iyadoo adeegsanaysa doonyo yaryar oo qaadi kara laba ilaa saddex miino midkiiba.
Marinka Hormuz waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee gaadiidka tamarta caalamka, iyadoo qiyaastii 20 milyan oo foosto oo shidaal ah ay maalin kasta ka gudbaan.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa hore u shaaciyay xiritaanka marinka kadib markii ay bilaabmeen weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-ka Febraayo, taasoo sare u qaaday qiimaha shidaalka isla markaana kordhisay cabsi laga qabo carqalad dheer oo ku timaadda tamarta caalamka.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa hirgeliyay caymis khatar siyaasadeed oo loogu talagalay maraakiibta shidaalka ee ka shaqeeya Gacanka Faaris, waxayna sidoo kale tilmaameen in ciidamada badda ee Maraykanku ay ilaalin karaan maraakiibta haddii loo baahdo, inkastoo aan la xaqiijin wax ilaalin ah ilaa hadda.
Trump ayaa Isniintii sheegay in Iiraan lagu dhufan doono 20 jeer ka xoog badan haddii ay wax sameyso si ay u joojiso socodka shidaalka.
Wuxuu ballan qaaday in marinku uu ahaan doono “mid ammaan ah.”
Xiisadaha Bariga Dhexe ayaa sii kacsanaa tan iyo markii Israa’iil iyo Maraykanka ay 28-ka Febraayo dagaal wadajir ah ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo ilaa hadda dilay in ka badan 1,300 qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyaha ugu sarreeya Ali Khamenei.
Ugu yaraan siddeed askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka.

















