Shirkadaha diyaaradaha ee dalka Turkiga ayaa si kumeel-gaar ah u hakinaya dhammaan duulimaadyadii ay ku tegi jireen dalalka Iiraan, Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, iyo Urdun illaa ay ka gaarto 6-da Bisha Saddexaad (Maarso), ka dib markii ay kor u kacday khatarta colaadeed ee gobolka Bariga Dhexe.
Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee Turkiga, Abdulkadir Uraloglu, ayaa sheegay in maamulku ay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna qaadeen tallaabooyin taxaddar ah oo lagu xaqiijinayo badqabka duulista rayidka ah.
Wasiirka ayaa xaqiijiyey inay weli jiraan digniino (NOTAM) oo xannibaya isticmaalka hawada dalalka Iiraan, Israa’iil, Ciraaq, Qadar, Baxreyn, Kuwayt, Urdun, iyo koonfurta Suuriya.
Sida uu sheegay wasiirku, shirkadaha Turkish Airlines, AJet, Pegasus, iyo SunExpress ayaa joojiyey duulimaadyadooda illaa Arbacada soo socota.
Dhanka kale, shirkadda Pegasus ayaa hakisay duulimaadyada Iiraan illaa 12-ka Bisha Saddexaad, halka safarradii loo qorsheeyay Imaaraadka, Qadar, iyo Kuwayt la baajiyey illaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da Bisha Saddexaad.
Wasiir Uraloglu ayaa xusay in diyaarado ay leeyihiin shirkadaha Turkish Airlines iyo Pegasus ay weli ku xayiran yihiin garoonka Imam Khomeini ee magaalada Tahiraan.
Sidoo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Tailwind ayaa ku go'doonsan dalka Ciraaq. Shirkadaha kale ee Turkiga ayaa hadda bilaabay inay beddelaan marinno-duulimaadyadooda (Rerouting) si ay uga fogaadaan aagga ay colaaduhu ka jiraan.
Ugu dambayn, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in go'aannadan lagu salaynayo qiimeyn maalinle ah, haddii xaaladdu wax iska beddeli weydona ay suurtagal tahay in baajinta duulimaadyadu ay sii socdaan maalmaha soo socda.



















