| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Shirkadaha Turkish Airlines, AJet, Pegasus, iyo SunExpress ayaa joojiyey duulimaadyadooda
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Shirkadaha diyaaradaha ee Turkiga ayaa bilaabay inay ka fogaadaan dhammaan aagga hawada ee la xannibay / AP

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka Turkiga ayaa si kumeel-gaar ah u hakinaya dhammaan duulimaadyadii ay ku tegi jireen dalalka Iiraan, Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, iyo Urdun illaa ay ka gaarto 6-da Bisha Saddexaad (Maarso), ka dib markii ay kor u kacday khatarta colaadeed ee gobolka Bariga Dhexe.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee Turkiga, Abdulkadir Uraloglu, ayaa sheegay in maamulku ay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna qaadeen tallaabooyin taxaddar ah oo lagu xaqiijinayo badqabka duulista rayidka ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey inay weli jiraan digniino (NOTAM) oo xannibaya isticmaalka hawada dalalka Iiraan, Israa’iil, Ciraaq, Qadar, Baxreyn, Kuwayt, Urdun, iyo koonfurta Suuriya.

Sida uu sheegay wasiirku, shirkadaha Turkish Airlines, AJet, Pegasus, iyo SunExpress ayaa joojiyey duulimaadyadooda illaa Arbacada soo socota.

Dhanka kale, shirkadda Pegasus ayaa hakisay duulimaadyada Iiraan illaa 12-ka Bisha Saddexaad, halka safarradii loo qorsheeyay Imaaraadka, Qadar, iyo Kuwayt la baajiyey illaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da Bisha Saddexaad.

Wasiir Uraloglu ayaa xusay in diyaarado ay leeyihiin shirkadaha Turkish Airlines iyo Pegasus ay weli ku xayiran yihiin garoonka Imam Khomeini ee magaalada Tahiraan.

Sidoo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Tailwind ayaa ku go'doonsan dalka Ciraaq. Shirkadaha kale ee Turkiga ayaa hadda bilaabay inay beddelaan marinno-duulimaadyadooda (Rerouting) si ay uga fogaadaan aagga ay colaaduhu ka jiraan.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in go'aannadan lagu salaynayo qiimeyn maalinle ah, haddii xaaladdu wax iska beddeli weydona ay suurtagal tahay in baajinta duulimaadyadu ay sii socdaan maalmaha soo socda.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka ugu weyn caalamka ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo lagu xoojinayo iskaashiga
Maamulka Muqdisho waxa uu dib u furay saddex waddo oo muhiim ah si loo fududeeyo isu socodka
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka