| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan
Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda, Sarreeye Guud Babar Iftikhar.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah, ayaa Arbacadii booqday xarunta Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan (NDU).

Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee shirkadda, Asad Kamal, oo warbixin ka siiyey awoodaha shirkadda ee dhinacyada wax-soo-saarka difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga warshadaha difaaca, horumarinta awoodaha milatari, iyo sida Soomaaliya uga faa’iidaysan karto khibradda GIDS iyo tiknoolajiyadeeda casriga ah ee difaaca.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda, Sarreeye Guud Babar Iftikhar. Intii ay booqashadu socotay, Wasiirka waxaa la siiyey warbixin ku saabsan doorka Jaamacaddu ka qaadato waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiga ah, cilmi-baarista amniga iyo horumarinta hoggaanka sare ee ciidamada.

Wasiirka waxaa booqashooyinka ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyeyaasha Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha
Weerar ay RSF ka geysatay Galbeedka Kordofan oo lagu dilay ugu yaraan 10 rayid ah
NISA oo dishay madaxii hore ee 'Amniyaadka' Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Jilib
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Midowga Afrika oo Beeniyay inuu Masar ku Eedeeyay Xiisadda Itoobiya Kaddib Diidmada Qaahira
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Shide: Siyaasigii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee loo doorto Guddoomiyaha Golaha Shacabka Itoobiya
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga soo badbaadiyay burcad-badeed oo dib ugu laabanaya dalkooda
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir