| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan
Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda, Sarreeye Guud Babar Iftikhar.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Xarunta GIDS iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah, ayaa Arbacadii booqday xarunta Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan (NDU).

Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee shirkadda, Asad Kamal, oo warbixin ka siiyey awoodaha shirkadda ee dhinacyada wax-soo-saarka difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga warshadaha difaaca, horumarinta awoodaha milatari, iyo sida Soomaaliya uga faa’iidaysan karto khibradda GIDS iyo tiknoolajiyadeeda casriga ah ee difaaca.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda, Sarreeye Guud Babar Iftikhar. Intii ay booqashadu socotay, Wasiirka waxaa la siiyey warbixin ku saabsan doorka Jaamacaddu ka qaadato waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiga ah, cilmi-baarista amniga iyo horumarinta hoggaanka sare ee ciidamada.

Wasiirka waxaa booqashooyinka ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyeyaasha Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah
Jabuuti: Mas’uul Dowladda ka Tirsan oo Ku Baaqay In Af-Soomaaligu Meel Ku Yeesho Garaad Gacmeedka
Duulimaadyada Muqdisho iyo Muscat oo Dib u Billowday 30 Sano Kaddib
Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga
Mogadishu: Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo ka Wada Hadlay Mudnaanta Sharci-dejinta
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qaybgalay Kulanka Guddiga Fulinta ee UN-Habitat
Soomaaliya iyo UDST oo Heshiis ku Kala Saxiixday dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyadda
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Suudaan u Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Amniga iyo Difaaca
Madaxweynaha Shiinaha Xi oo Masar Gaaray, Booqashadiisii Ugu Horreysay Muddo 10 Sano ah
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Soomaaliya oo Muqdisho ku Martigelinaysa Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee 2026
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Fursado Maalgashi iyo Kuwo Iskaashi Istaraatiiji ah
MW Xasan Sheekh oo Wadahadallo la Yeeshay Madax Kala Duwan oo ka Qaybgalaya Shirka NAM ee Serbia
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo cambaareeyay afgambigii dhicisoobay ee Niger