Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagabeeyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed

Intii lagu guda jiray doodaha, Madaxweynaha ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha dhaqanka, iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed inay xoojiyaan midnimada, wada shaqeynta, iyo isu tanaasulka siyaasadeed.

By
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagabeeyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed / Villa Somalia - Meta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer gobol, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, horumarinta dadaallada dib u heshiisiinta, dardargelinta dhismaha dowladnimada, iyo kor u qaadista geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulamadan waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo midnimada qaranka, lagu hubinayo xasilloonida siyaasadeed, isla markaana lagu dhisayo nidaam maamul oo loo dhan yahay oo ku saleysan ka qeybgalka shacabka iyo iskaashi.

Intii lagu guda jiray doodaha, Madaxweynaha ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha dhaqanka, iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed inay xoojiyaan midnimada, wada shaqeynta, iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana ay ka fogaadaan falalka keeni kara kala qeybsanaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo abuuridda jawi ku habboon horumar waara iyo maamul hufan.

Kulamada waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.