| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamij Tababar Xirfadeed oo loogu Talagalay Ciidanka Asluubta
Barnaamijka tababarka ayaa ka qaybgalayaasha siin doona aqoon ku saabsan hoggaaminta, sharciyada iyo xeerarka militariga, maamulka, iyo maaraynta iyo daryeelka maxaabiis
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamij Tababar Xirfadeed oo loogu Talagalay Ciidanka Asluubta
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamij Tababar Xirfadeed oo loogu Talagalay Ciidanka Asluubta

Wasiirka Cadaaladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, ayaa si rasmi ah u furay barnaamij tababar xirfadeed oo loogu talagalay saraakiisha iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Barnaamijka tababarka, oo lagu tilmaamay koorsadii ugu horreysay ee horumarinta xirfadaha ee ciidanka, ayaa ka qaybgalayaasha siin doona aqoon ku saabsan hoggaaminta, sharciyada iyo xeerarka militariga, maamulka, iyo maaraynta iyo daryeelka maxaabiista.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda furitaanka, Taliye Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in tababarku muhiim u yahay xoojinta awoodda xirfadeed ee saraakiisha iyo ciidanka, isagoo xusay in barnaamijyo la mid ah si joogto ah loo qaban doono.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda xirfadnimada iyo wax-ku-oolnimada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyada oo loo marayo tababaro joogto ah iyo dadaallo lagu dhisayo awoodda ciidanka.

XIGASHO:SONNA