Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite oo la kulmay Wasiirka Tacliinta Sare & Halabuurka ee Uzbekistan
Safarka Danjire Ospite ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka.
Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite oo safar shaqo ku jooga dalka Uzbekistan ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare, Sayniska iyo Hal-abuurka ee Jamhuuriyadda Uzbekistan, Professor Kongratbay Sharipov.
Intii uu kulanku socday, danjiraha ayaa wasiirka gaarsiiyey dhambaal rasmi ah oo uu ka siday Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheikh Cabdulqaadir.
Danjiraha iyo wasiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan hormarinta tacliinta sare, gaar ahaan sidii loo ballaarin lahaa fursadaha waxbarasho, isdhaafsiga khibradaha, iyo mashaariicda waxbarasho ee mustaqbalka.
Dhanka kale, danjire Ospite ayaa Khamiistii si rasmi ah ugu wareejiyey waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Uzbekistan, Mudane Bakhtiyor Saidov.
Safarka Danjire Ospite ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka. Safaaradda JFS ee Turkiye oo uu Danjiruhu hoggaamiyo ayaa si gaar ah ugu xil-saaran horumarinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Soomaaliya kala dhaxaysa dalalka Aasiyada Dhexe, oo Uzbekistan ay kamid tahay.