| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Khaalid,” ayaa Baydhabo ku kormeeray ciidamo dhammaystay tababar ciidan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay / SONNA

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Khaalid,” ayaa kormeeray ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo tababar ku soo dhammaystay magaalada Baydhabo.

Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa booqday xerada tababarka, isagoo warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha gacanta ku haysa barnaamijka. Waxa uu sidoo kale dib u eegay halka uu marayo tababarka, noocyada layliyada ciidan ee la sameeyay iyo farsamooyinka la baray askarta.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu sii wado dadaallada lagu xoojinayo laguna horumarinayo tababarka ciidamada, si kor loogu qaado awooddooda ay kula wareegayaan mas’uuliyadda guud ee amniga Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA