Soomaaliya iyo Turkiga oo daah-furay hirgelinta heshiiska iskaashiga shaqada iyo arrimaha bulshada

Heshiiskan ayaa la saxiixay sannadkii 2016-kii, waxaana hirgelintiisu astaan u tahay heer muhiim ah oo laga gaaray iskaashiga shaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

By
Wasiirrada Shaqada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dib u hawlgeliyey heshiiskii iskaashiga shaqada ee 2016, kulan ay ku yeesheen Ankara. / Others

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si rasmi ah u daah-furay hirgelinta heshiis iskaashi oo dhanka shaqada ah oo muddo soo jiitamayay, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo xiriirka labada dal ee dhinacyada shaqada, shaqaalaysiinta, iyo siyaasadda arrimaha bulshada.

Tallaabadan ayaa timid kadib kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Ankara maalintii Salaasada (13-ka Janaayo), halkaas oo Wasiirada labada dal ay ku hawlgeliyeen Is-afgaradkii (MoU) la saxiixay sanadkii 2016-kii, kaas oo u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga.

Daah-furkan ayaa calaamad u ah tallaabadii ugu weyneyd ee iskaashi dhanka shaqada ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga yeeshaan sanadihii ugu dambeeyay.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyo Ibro, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Mudane Yuusuf Xasan, wakiillo ka socday Dowlad-goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

Intii uu kulanku socday, labada Wasiir ayaa saxiixay borotokool wadajir ah iyo Qorshe Hawleed laba sano ah.

Qorshahan ayaa qeexaya 15 qodob oo ah kuwa mudnaanta leh ee la iska kaashanayo, waxaana kamid ah: abuurista fursado shaqo, tababarrada xirfadaha shaqo, badbaadada iyo caafimaadka goobaha shaqada, kormeerka shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, Maareynta socdaalka shaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo dejinta heerarka qaran ee shaqada.

Wasiirka Shaqada ee Turkiga, Vedat Işıkhan, ayaa yiri: “Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu soo kordhayay sanadihii la soo dhaafay, haddana wuxuu yeeshay dabeecad istiraatiiji ah. Waxaan doonaynaa in iskaashigani uu soo saaro natiijooyin cad oo la taaban karo.”

Dhinaca kale, Wasiirka Shaqada ee Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyo Ibro, oo booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa tilmaamay muhiimadda heshiiskan: “Heshiiskani wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta hay’adaha shaqada ee Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo shaqaalaha. Sidoo kale, wuxuu noo ogolaanayaa inaan ka faa’iidaysanno khibradda iyo taageerada farsamo ee dalka Turkiga.”

Intii uu socday safarka shaqo, wafdiga Wasiir Ibro ayaa sidoo kale booqday Rugta Warshadaha ee Ankara (ASO), halkaas oo ay kulan miro-dhal ah kula qaateen Madaxweynaha Rugtaas, Seyit Ardic.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta warshadaha iyo isku-xirka suuqyada shaqada ee labada dal.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku heshiiyay jadwal cad oo lagu fulinayo qodobada lagu heshiiyay, iyadoo la qaban doono kulamo farsamo oo joogto ah iyo is-waydaarsi khubaro si loola socdo horumarka la gaaray.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku casriyeyso hay’adaheeda shaqada, shaqo abuur u sameyso dhallinyarada, islamarkaana ay uga faa’iidaysato khibradaha dalalka bah-wadaagta la ah sida Turkiga, oo hormuud u ah taageerada dib-u-dhiska qaranka Soomaaliya.