| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Fuad Hussein iyagoo ka wada hadlay dardargelinta howlaha Guddiga Wadajirka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo beeraha
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Fuad Hussein, intii uu socday kalfadhigii 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha Guddiga Wadajirka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo beeraha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay rabitaankeeda ah inay bilowdo dhoofinta xoolaha nool ee loo dhoofinayo dalka Ciraaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ciraaq soo dhaweynta diirran iyo martigelinta guusha leh ee shirka Golaha, iyadoo mar kale xaqiijisay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

XIGASHO:SONNA