| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Safiirka cusub ee Turkiga u qaabilsan Kenya oo waraaqaha aqoonsiga gudbisay
Selin Ozaydın, oo ah safiirka cusub ee loo magacaabay inay Turkiga u matasho dalka Kenya, ayaa nuqul ka mid ah waraaqoheeda aqoonsiga u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, tallaabo muujinaysa billowga hawlaheeda diblomaasiyadeed.
Safiirka cusub ee Turkiga u qaabilsan Kenya oo waraaqaha aqoonsiga gudbisay
Safiirka cusub ee Turkiga u qaabilsan Kenya oo waraaqaha aqoonsiga gudbisay / Others

Selin Ozaydın, oo loo magacaabay safiirka cusub ee dalka Turkiga u fadhin doonta Kenya, ayaa maalintii Talaadada nuqul ka mid ah waraaqoheeda aqoonsiga danjirenimo u gudbisay Severine Luyali, oo ah madaxa hab-maamuuska ee Waaxda Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya.

Kulankan ayaa dib loo xaqiijiyay ballan-qaadka wada-jirka ah ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Kenya, kaas oo ku aaddan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Nairobi.

Danjire Ozaydın ayaa sidoo kale ah safiirka iyo wakiilka joogtada ah ee dowladda Turkiga u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON).

Horey, 9-kii bishan Nofeembar, waxay waraaqoheeda aqoonsiga u gudbisay Zainab Hawa Bangura, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Guud ee UNON, iyadoo xilkan kala wareegtay safiirkii horay u joogay ee Subutay Yuksel.

Safaaradda Turkiga ee Nairobi ayaa intaas ku dartay in dowladda Turkiga ay weli ka go’an tahay inay sii qoto-dheereyso iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeeya Kenya, iyo sidoo kale kor u qaadista wada-shaqeynta miradhal ka ah ee ay la leedahay xafiisyada Qaramada Midoobay ee ku yaalla Nairobi.

XIGASHO:TRT SOMALI