Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Villa Hargeysa oo ay guddoominaysay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Saadiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray munaasabadda dhaarinta Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Garsoore Cabdiqafar Xuseen Isxaaq oo ka tirsan Maxkamadda Sare, kana wakiil ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa dhaariyay wasiirka cusub, Cabdifataax Qaasim Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacadii magacaabay Cabdifitaax Qaasim Maxamuud inuu noqdo Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo beddelay Daa’uud Aweys Jaamac, iyadoo magacaabistan loo sameeyay si waafaqsan qodobada dastuurka kadib wadatashi lala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay war-saxaafadeed dowladda kasoo baxay.
Wasiir Cabdifitaax ayaa hore u ahaa Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga ka hor inta aan xilka laga qaadin 21-kii Maayo 2025, iyadoo jagadaas isku shaandheyn golaha wasiirrada lagu sameeyey loogu magacaabay Idris Cismaan Xaaji Cali. Xilligaas lama shaacin sabab rasmi ah, inkastoo Cabdifitaax uu markii dambe warbaahinta u sheegay inuu xilka uga tagay waxbarasho.
Wasiirka ayaa hadda xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.























