Shirkadda diyaaradaha Cumaan ee SalamAir ayaa billowday duulimaadyo u dhexeeya Muqdisho iyo Muscat, taas oo dib u soo celisay isku socodkii tooska ahaa ee labada caasimadood kaddib hakad socday in ka badan 30 sano.
Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana goobta joogay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux, Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, maamulka iyo shaqaalaha shirkadda, masuuliyiinta garoonka iyo ganacsato Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa duulimaadyo dheeraad ah iyo kuwo isku xira Soomaaliya iyo dalalka kale, si Soomaalidu ugu safraan si fudud iyo qiimo ay awoodaan. Wuxuu sheegay in ku dhowaad 10 shirkadood oo diyaaradeed ay hadda dalka ka shaqeeyaan, kuwo kalena la filayo, isagoo arrintaas ku sababeeyay horumarka amniga iyo xasilloonida iyo sharciyada uu Baarlamaanku ansixiyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalkooda maalgashadaan, isagoo sheegay inay hanti badan ku leeyihiin Nairobi, Masar iyo Turkiga, halka dhulkooda, amnigooda iyo mustaqbalkoodu ay Soomaaliya ku xiran yihiin. Wuxuu sheegay in haddii caalamku diyaar u yahay inuu Soomaaliya maalgashado, Soomaaliduna ay tahay inay dalkooda maalgashadaan. Baaqan ayaa la mid ah kuwo ay toddobaadyadii la soo dhaafay jeediyeen masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan oo ku boorriyay ganacsatada inay raasumaalkooda geliyaan qaybaha wax-soo-saarka dalka.
Duulimaadka cusub ayaa sidoo kale tallaabo kale u ah soo kabashada Garoonka Aadan Cadde, oo tobankii sano ee la soo dhaafay si tartiib ah u ballaarinayay duulimaadyadiisa. Wasiirka ayaa sheegay in shirkado kale oo diyaaradeed la filayo inay Soomaaliya yimaadaan, isla markaana dib loo cusbooneysiin doono heshiisyada shirkadaha hadda dalka ka shaqeeya






















