Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo cambaareeyay magacaabista Israa’iil ee wakiilka Somaliland
Ururka ayaa tallaabadan Israa'iil ku tilmaamay mid xad-gudub qaawan ku ah madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaaraysay ku dhawaaqista Israa’iil, oo ah awoodda xoogga wax ku haysata, ee ku aaddan in ay wakiil diblomaasiyadeed u magacawdo Somaliland, oo ah gobol gooni-u-goosad ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururka ayaa war-murtiyeed uu Khamiistii soo saaray ku tilmaamay tallaabadan mid xad-gudub qaawan ku ah madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xoghaynta Guud ee OIC ayaa mar kale dib u xaqiijisay in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Fedrraalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero hagar-la’aan ah u hayso madax-bannaanideeda, bed-qabkeeda dhuleed, iyo hay’adaheeda sharciga ah ee dowladda.
Ugu dambeyn, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in loo hoggaansamo mabaadi’da iyo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood qeexaya in la ixtiraamo lana dhowro madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah.