| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Otaibi, kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta afka Carabiga.
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Dawladaha Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Otaibi.

Labada mas’uul ayaa kormeeray waaxyaha muhiimka ah ee Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin Kaydka Qaranka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha.

Kormeerka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Dawladaha Carabta ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska, horumarinta afka Carabiga iyo dadaallada lagula dagaallamayo macluumaadka khaldan iyo wararka marin-habaabinta ah.

Safiir Al-Otaibi ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda ee horumarinta iyo dib-u-soo-nooleynta afka Carabiga, wuxuuna xaqiijiyay diyaar-garowga Jaamacadda Carabta ee taageeridda dadaalladan iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale booqday Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka Waaberi iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay bandhigyo dhaqan iyo farshaxan oo ka tarjumaya hidaha Soomaaliya.

Booqashada ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo isku-dubbaridka Soomaaliya iyo Jaamacadda Dawladaha Carabta ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta afka Carabiga.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo isla gartay muhiimadda dhowrista madax-bannaanida Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha
Weerar ay RSF ka geysatay Galbeedka Kordofan oo lagu dilay ugu yaraan 10 rayid ah
NISA oo dishay madaxii hore ee 'Amniyaadka' Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Jilib
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha