Soomaaliya oo Daahfurtay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed si loo xoojiyo shaqo wanaagga

Daahfurka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamul-wanaagga shaqada, isla markaana lagu waafajinayo xiriirka shaqo ee mabaa’di’da caddaaladda, hufnaanta iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

By
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyo Ibrow, ayaa si rasmi ah u daahfuray xeerka. / User Upload

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed ee dib loo eegay (Xeer Lr. 36, 2024), munaasabad si heer sare ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Daahfurkan ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamul-wanaagga shaqada, isla markaana lagu waafajinayo xiriirka shaqo mabaa’di’da caddaaladda, hufnaanta iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Munaasabadda ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyo Ibrow, waxaana ka qayb galay Xildhibaanno, Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI), Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) iyo daneeyayaal kale oo qaran. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Xeerka Shaqada ee dib loo habeeyay uu dhisayo saldhig sharciyeed oo adag oo loogu talagalay nidaam shaqo oo casri ah, kaas oo dhiirrigelinaya shaqo sharaf leh, xiriir shaqo oo nidaamsan iyo ilaalin isu dheellitiran oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, isla markaana gacan ka geysanaya horumarinta suuqa shaqada Soomaaliya iyo xasilloonida bulshada.

Intii ay socotay munaasabadda, wasiirku wuxuu Shahaadooyin Sharaf guddoonsiiyay xubnaha Guddiga Farsamada ee hoggaaminayay dib-u-eegista Xeerka Shaqada. Guddigan ayaa ahaa mid saddex-geesood ah, kana koobnaa wakiillo ka socday Wasaaradda, FESTU iyo SCCI, taas oo muujinaysa muhiimadda wadahadalka bulsho iyo iskaashiga saddex-geesoodka ah ee dejinta sharciyada shaqada ee qaranka. Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta iyo dhaqan-gelinta wax ku oolka ah ee xeerkan, iyada oo qayb ka ah dadaalladeeda ballaaran ee lagu horumarinayo caddaaladda shaqada, lagu xoojinayo wadahadalka bulsho laguna taageerayo horumar waara oo ku dhisan xiriir shaqo oo is-afgarad ku saleysan.

Iyadoo ka hadlaysay magaca shaqaalaha, Marwo Nasra Xaaji Axmed, Madaxweyne Ku-xigeenka FESTU, ayaa muujisay muhiimadda Xeerka Shaqada ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta caddaaladda shaqada iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda, loo-shaqeeyayaasha iyo ururrada shaqaalaha. Waxay xustay in ururrada shaqaaluhu ay in ka badan toban sano u ololeynayeen dib-u-habayntan si wax looga qabto caqabadaha muddada dheer hayay shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale bogaadisay doorka wasaaraddu ka qaadatay hirgelinta isbeddel horumarsan oo ku saleysan caddaalad, isla-xisaabtan iyo ixtiraamka wadahadalka bulsho.

Dhanka loo-shaqeeyayaasha, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Cabdikarin Gabeyre, ayaa sheegay in Xeerka Shaqada uu gacan ka geysanayo abuurista jawi ganacsi oo la saadaalin karo oo xasilloon, taageerayana maalgashiga, isla markaana xoojinaya xiriir dhismeed oo u dhexeeya loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay mas’uuliyadda ka saaran bulshada ganacsatada inay taageeraan u hoggaansanaanta sharciga, isagoo soo dhaweeyay dadaallada wasaaraddu ku dhisayso nidaam shaqo oo ku saleysan caddaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan Isaaq, ayaa isna faahfaahiyay ujeeddooyinka Xeerka Shaqada ee dib loo eegay, isagoo tilmaamay doorkiisa ku aaddan nidaaminta xiriirka shaqo, xoojinta maamulidda suuqa shaqada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo caddeynta waajibaadka loo-shaqeeyayaasha, iyada oo isla markaana la dhowrayo danahooda sharciga ah.

Daahfurka rasmiga ah ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay wuxuu ka tarjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha nidaam shaqo oo ku dhisan xukunka sharciga, mabaadi’da shaqo sharaf leh iyo wadahadal bulsho oo loo dhan yahay, taas oo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee dalka ee ku wajahan caddaalad bulsho iyo horumar dhaqaale oo waara.