Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku qabtay kulamo muhiim ah oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta amniga iyo odayaasha dhaqanka, kuwaas oo looga hadlay xoojinta amniga iyo kor u qaadidda iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha amniga.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Hirshabeelle, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada socda ee lagu sugayo amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay uga go’an tahay waajibaadkooda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo xusay in ay gaareen guulo la taaban karo oo la xiriira la-dagaallanka argagixisada, ilaalinta amniga shacabka, iyo taageeridda bulshooyinka ku nool deegaannada ay ka howlgalaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Hirshabeelle, halkaas oo looga hadlay doorkooda ku aaddan taageeridda doorashooyinka loo dhan yahay ee la qorsheeyay inay ka qabsoomaan dowlad goboleedka, horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya, iyo xoojinta dadaallada dowlad-dhisidda.
Madaxweynuhu wuxuu ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan nabadda, horumarka, midnimada qaranka, iyo maamulka dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa kormeer ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halkaas oo dhismaha iyo dayactirka xaruntu uu marayo heer gabagabo ah.





















