| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Al-Burhaan iyo Taliyaha Sirdoonka DR Congo oo ka wada hadlay amniga gobolka
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Suudaan (SUNA), kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Sirdoonka Guud ee Suudaan, Jeneraal Axmed Ibraahim Mufaddal, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dhinaca amniga.
Al-Burhaan iyo Taliyaha Sirdoonka DR Congo oo ka wada hadlay amniga gobolka
Al-Burhaan iyo Taliyaha Sirdoonka DR Congo oo ka wada hadlay amniga gobolka

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kala-guurka Suudaan, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada, Jeneraal Cabdulfataax Al-Burhaan, ayaa Isniintii Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum kula kulmay Taliyaha Sirdoonka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Justin Inzun Kakiak.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Suudaan (SUNA), kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Sirdoonka Guud ee Suudaan, Jeneraal Axmed Ibraahim Mufaddal, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Labada mas’uul ayaa isla gorfeeyay sidii loo mideyn lahaa dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo khataraha iyo caqabadaha amni ee gobolka, ujeeddaduna tahay in la xoojiyo xasilloonida iyo nabadda guud ahaan qaaradda Afrika.

Kakiak ayaa sidoo kale Jeneraal Al-Burhaan soo gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu uga siday Madaxweynaha Congo, isagoo Suudaan u rajeeyay nabad iyo horumar waara.

XIGASHO:TRT SOMALI