| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Madaxweynaha Niger, Jeneraal Cabdiraxmaan Tiani, ayaa horay dowladda Faransiiska iyo xubno ka mid ah waddamada Galbeedka Afrika ugu eedeeyay inay maalgelinayaan qalalaase iyo kadeed ka dillaaca dalkaas
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Gaari milateri oo ku sugan waddo ku taalla Niamey, Niger, kaddib weerarkii ay ciidamo gadoodsan ku qaadeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada / AFP

Xukuumadda Niger ayaa dowladda Faransiiska ku eedeysay inay ka dambeysay abaabulka weerar ay ciidamo gadoodsan ku qaadeen garoon milateri oo muhiim ah iyo xarumo kale oo ku yaalla caasimadda Niamey, iyadoo xustay inay ururisay caddeymo buuxa oo ay dacwaddan ugu gudbin karto maxkamadaha caalamiga ah.

Kooxo isugu jira ciidamo gadoodsan ayaa 29-kii bishii Agoosto weerar xooggan ku qaaday garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada ee Niger, iyadoo dhanka kalena jugta qaraxyo iyo is-rasaaseyn laga maqlay saldhig milateri oo ku yaalla caasimadda.

Taliska ciidamada Niger ayaa markii dambe xaqiijiyay inay dib ula wareegeen gacan-ku-haynta iyo maamulka saldhiggaas.

Golaha Wasiirrada ee Niger ayaa maalintii Jimcaha shaaca ka qaaday in weerarkaas ay dabada riixaysay shabakad ballaaran oo ka kooban gacan-saarayaal, taas oo xukuumaddu ay ku eedeysay inuu Faransiisku garwadeen ka ahaa.

“Caddeymo faro badan ayaa laga ururiyay dhacdadan, Niger-na waxay xaq u leedahay inay galkaan dacwadeed horgeyso caddaaladda caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo ay dowladdu ka sii deysay telefishinka qaranka.

Xukuumaddu ma aysan bixin tafaasiil intaas dhaafsiisan oo ku aaddan nooca caddeymaha ay heshay, halka dowladda Faransiiskuna aysan wali jawaab degdeg ah ka bixin eedeymahan loo jeediyay.

Weerarkan ayaa banaanka soo dhigay kala-qeybsanaan iyo xiisad ka dhex aloosan laamaha ammaanka ee Niger, xilli dalkaasi uu weli la tacaalayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo aad u cakiran tan iyo markii uu milaterigu talada dalka xoogga kula wareegay.

Madaxweynaha Niger, Jeneraal Cabdiraxmaan Tiani, ayaa horay dowladda Faransiiska iyo xubno ka mid ah waddamada Galbeedka Afrika ugu eedeeyay inay maalgelinayaan qalalaase iyo kadeed ka dillaaca dalkaas.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya