| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Xuutiyiinta Yemen oo laga yaabo inay soo farageliyaan dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaaday Iiraan ku tilmaamay “aan wax sabab ah lahayn”
Xuutiyiinta Yemen oo laga yaabo inay soo farageliyaan dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaaday Iiraan ku tilmaamay “aan wax sabab ah lahayn” / User Upload
7 saacadood ka hor

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Khamiistii sheegay in dhaqdhaqaaqoodu “uusan dhexdhexaad ka ahayn” dagaalka u dhexeeya Iiraan, Maraykanka iyo Israa’iil, isagoo ka digay inay faragelin milatari sameyn doonaan haddii loo baahndo.

“Ma nihin dhexdhexaad, balse mowqifkeenna wuxuu ka yimid ka mid ahaanshaha Islaamka iyo ummadda Islaamka,” ayuu yiri Cabdul-Malik al-Xuuthi khudbad uu ka jeediyay telefishinka Al-Masirah ee ku hadla afka Xuutiyiinta.

“Horumar kasta oo ka dhaca goobaha dagaalka waxaa lagaga jawaabi doonaa mowqif milatari haddii loo baahdo, sidii horey u dhacday,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan ay waxyeelleeyeen danaha dhaqaale ee dalalka caalamka iyo amniga iyo xasilloonida gobolka, isagoo ku tilmaamay weerarradaasi “aan wax sabab ah lahayn.”

“Isbedellada ka dhacay gobolka sannadihii la soo dhaafay waxay muujinayaan in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka shaqeynayaan fulinta qorshe Sahyooni ah oo lagu beegsanayo dhammaan dalalka gobolka si loo beddelo Bariga Dhexe loona abuuro waxa loogu yeero Israa’iil weyn,” ayuu yiri.

Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa tan iyo 2014-kii gacanta ku hayey inta badan gobollada Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Ururkan ayaa fuliyey weerarro gantaallo iyo drones ah oo lagu beegdatay Israa’iil iyo maraakiibta maraysa Badda Cas, iyagoo ka jawaabaya duullaanka Israa’iil ee Qaza kaasoo ay ku dishay in ka badan 72,000 oo qof tan iyo Oktoobar 2023.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa tan iyo 28-kii Febraayo sii waday duqeymo ka dhan ah Iiraan, taasoo ilaa hadda dishay in ka badan 1,340 qof, oo uu ku jiro hoggaamiyihii sare ee xilligaas Ayatollah Ali Khamenei.

Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka, taasoo keentay khasaare nafeed iyo burbur kaabayaal ah isla markaana carqaladeysay suuqyada caalamka iyo duulimaadyada.

XIGASHO:AA