Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wada-shaqeynta labada hay’adood, si loo fududeeyo hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka qaran ee horyaalla Golaha Shacabka.
Qodobka kale ee kulanka diiradda lagu saaray ayaa ahaa dardargelinta ka doodista iyo ansixinta sharciyada mudnaanta leh ee la xiriira waajibaadka muhiimka ah ee qaran ee horyaalla Golaha Shacabka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo labada hay’adood ay si wadajir ah uga shaqeynayaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan dhinacyada la xiriira sharci-dejinta iyo arrimaha mudnaanta u leh qaranka.























