Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), SungAh Lee, iyagoo ka wada hadlay sidii barnaamijyada hay’adda IOM loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Soomaaliya ee 2025–2029.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray abuurista fursado dhaqaale oo waara oo loogu talagalay dadka barakacay iyo bulshooyinka martigeliya, xoojinta nidaamyada qaranka iyo hagaajinta isku-dubbaridka gargaarka bani’aadannimo iyo kaalmada horumarineed.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageerada caalamiga ah la waafajiyo mudnaanta horumarineed ee qaranka Soomaaliya, si loo dhiirrigeliyo xalal waara, loona xoojiyo awoodda bulshooyinka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ay kaga soo kaban karaan dhibaatooyinka.























