Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday go’aanka Koonfur Galbeed, kuna baaqday wada-hadal
Bayaanka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay go’aan ay gaareen maamulka Koonfur Galbeed oo lagu joojiyay iskaashigii ay la lahaayeen dowladda federaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo baxaya qaybo ka mid ah gobolka.
Dowladdu waxay ammaan u jeedisay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed doorkooda ku aaddan ilaalinta midnimada qaranka iyo ka qeyb qaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada dimuqraadiyeynta ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkaysay inay si firfircoon uga shaqeynayso yareynta xiisadaha iyo xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal, isla markaana la ilaalinayo horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.
Bayaanka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay go’aan ay gaareen maamulka Koonfur Galbeed oo lagu joojiyay iskaashigii ay la lahaayeen dowladda federaalka, iyadoo la xaqiijiyay in hay’adaha federaalku ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee gobolka.
Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed inay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyadda, waxayna ku boorrisay hoggaamiyeyaasha bulshada, odayaasha iyo siyaasiyiinta inay ka fogaadaan falal kasta oo halis gelin kara nabadda, amniga iyo xasilloonida.