Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray olole qalliimada wadnaha ah oo lagu daweynayo 11 carruur ah oo qaba cudurrada wadnaha.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Axmed, ayaa sheegay in ololahan caafimaad uu ka faa’iideysan doono 11 carruur ah oo u baahan qalliimada wadnaha, iyadoo dhammaan kharashaadka daaweynta uu bixinayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
“Maanta waxaan daahfurnay olole qalliimo wadne ah oo loogu talagalay 11 carruur ah,” ayuu yiri Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale, Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilaal Bile Maxamuud ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu si buuxda u maalgeliyay daaweynta carruurta lagu sameynayo qalliimada.
“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalgeliyay daaweynta 11-kan carruurta ah oo lagu sameynayo qalliimada wadnaha,” ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilaal Bile Maxamuud.























