Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda cilmi-baarista sayniska ee lagu horumarinayo xalal waara oo wax looga qabanayo musiibooyinka soo noqnoqda, laguna xoojinayo adkeysiga dalka.
Wasiirka oo ka hadlayay Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya (SDRC 2026) oo ka socda magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhineyso mudnaanta ay siineyso u diyaar-garowga musiibooyinka iyo xalalka muddada fog, isagoo xusay in cilmi-baarista ku saleysan caddeymaha ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta horumar waara iyo adkeysi.
Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu yahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ka qayb qaata musiibooyinka saameeya Soomaaliya, wuxuuna adkeeyay baahida loo qabo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu wajahayo saameyntiisa.
Shirweynaha sannadkan ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga “Laga Gudbo Musiibooyinka Soo Noqnoqda, loona Gudbo Adkeysi Waara, Mustaqbal Wanaagsan iyo Soo Kabasho Waarta oo Soomaaliya ka Hirgasha.”
Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) dadaallada ay ku bixineyso wax ka qabashada caqabadaha la xiriira musiibooyinka, wuxuuna ugu baaqay ka-qaybgalayaasha shirweynaha inay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara helitaanka xalal waara oo dalka anfaca.























