| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
RW Xamza ayaa faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu bilaabo dib-u-qiimeynta agaasimayaasha hay’adaha dawladda iyadoo lagu saleynayo kartida iyo waxqabadka, halka wasaaradaha iyo hay’adaha lagu amray in jagooyinka bannaan loo maro tartan furan
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta / SONNA

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda inay si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn u hirgeliyaan hannaanka shaqaaleysiinta iyo magacaabista ee ku saleysan kartida iyo mudnaanta. Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa 20-ka Sebteembar bilaabaya wejiga koowaad ee hannaankan, iyadoo laga bilaabayo dib-u-qiimeynta agaasimayaasha waaxyaha hay’adaha dawladda, laguna qiimeynayo kartida, aqoonta, waayo-aragnimada, hoggaaminta iyo waxqabadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa agaasimayaasha guud ku tilmaamay laf-dhabarta maamulka hay’adaha dawladda, kuwaas oo door muhiim ah ku leh hoggaaminta, hirgelinta siyaasadaha, fulinta qorshayaasha iyo joogtaynta shaqada hay’adaha. Waxa uu sheegay in ujeeddadu tahay in Dawladda Federaalka ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh oo joogto ah, awoodna u leh inuu siyaasadaha dawladda u beddelo natiijooyin muuqda. Wasaaradaha iyo hay’adaha ayaa sidoo kale lagu faray inay jagooyinka agaasimayaasha iyo jago kasta oo kale oo bannaan ku buuxiyaan tartan furan, iyadoo shaqaale kasta oo rayid ah oo buuxiya shuruudaha la siinayo fursad siman oo uu ugu tartamo.

Amarkan ayaa salka ku haya Qodobka 161-aad, faqraddiisa 1-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 7-aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo xeerarka kale ee hagaya shaqaalaha rayidka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay dawladdu dhistay tiirarka sharci iyo hay’adeed ee dib-u-habeynta shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la ansixiyay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo lagu xoojinayo maamulka iyo tayada hay’adaha dawladda.

Isbeddelkan ayaa si gaar ah u taabanaya habka lagu gaaro jagooyinka agaasimayaasha, kuwaas oo guud ahaan lagu buuxin jiray magacaabis, halka hadda loo wareejinayo tartan furan oo ay si siman uga qayb geli karaan shaqaalaha buuxiya shuruudaha. Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa loo xilsaaray inuu hoggaamiyo wejiga koowaad ee hannaankan laga bilaabo 20-ka Sebteembar. Amarka oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda faraya inay si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn u fuliyaan.

XIGASHO:SONNA