| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Wafdi Soomaaliyeed oo Booqday Dekedda Ningbo-Zhoushan, Sahamiyeyna Fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi
Wafdi ka socda DFS ayaa booqday Dekedda Ningbo-Zhoushan ee dalka Shiinaha, si ay u daraaseeyaan nidaamyada casriga ah ee maamulka dekedaha, adeegyada saadka iyo fursadaha iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee lagu horumarinayo kaabayaasha dekedaha.
Wafdi Soomaaliyeed oo Booqday Dekedda Ningbo-Zhoushan, Sahamiyeyna Fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi
Wafdi Soomaaliyeed oo Booqday Dekedda Ningbo-Zhoushan, Sahamiyeyna Fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa booqday Dekedda Ningbo-Zhoushan ee gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha, si ay u sahamiyaan fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale, laguna horumarinayo kaabayaasha dekedaha iyo adeegyada saadka iyo gaadiidka ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdirisaaq Ibraahim, iyo sidoo kale mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socday dhowr wasaaradood oo federaal ah.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa kormeeray xarunta saddexaad ee dekedda ee lagu maareeyo konteenarrada, taas oo sanad kasta qabata in ka badan 10 milyan oo unug oo konteenarro ah oo u dhigma kuwa dhererkoodu yahay 20 fiit (TEUs). Wafdiga ayaa warbixinno laga siiyay nidaamyada casriga ah ee maamulka dekedaha, adeegyada gaadiidka iyo saadka, xiriirka ka dhexeeya dekedaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, iyo doorka kaabayaasha dekeduhu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

Booqashadan ayaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed siisay fursad ay wax uga bartaan khibradda Shiinaha ee horumarinta dekedaha iyo adeegyada saadka, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta kaabayaasha gaadiidka badda iyo xoojinta kaalinteeda ganacsiga heer gobol iyo heer caalami.

Goobta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ay kaga taallo marinnada waaweyn ee ganacsiga badda ee caalamiga ah, kuwaas oo isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, iyo sidoo kale xeebteeda dheer, ayaa dalka siinaya fursado waaweyn oo lagu horumarin karo dekedihiisa, si ay u noqdaan marinno ganacsi oo isku xira Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029, kaas oo mudnaanta siinaya horumarinta dekedaha, kaabayaasha gaadiidka iyo adeegyada saadka, aagagga dhaqaalaha gaarka ah iyo soo jiidashada maalgashiga dhinacyada warshadaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

Wafdiga ayaa sidoo kale magaalada Ningbo kaga qeybgalay kulan ku saabsanaa horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Wadahadallada ayaa lagu soo bandhigay khibradda Shiinaha ee horumarinta dhaqaalaha ku saleysan dekedaha, aagagga ganacsiga xorta ah, siyaasadaha canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika iyo fududeynta habraacyada kastamka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay Shiinaha, isla markaana ay uga faa’iideysaneyso khibradaha caalamiga ah si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha Soomaaliya, looga faa’iideysto sida ugu wanaagsan goobta istaraatiijiyadeed ee uu dalku kaga yaallo marinnada badda, loona ballaariyo kaalintiisa ganacsiga heer gobol iyo heer caalami.

XIGASHO:SONNA