Soomaaliya oo soo bandhigtay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka ee dalka
Munaasabadda ayaa isu keentay hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya ilaalinta deegaanka iyo horumarinta si ay uga doodaan saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya.
Muqdisho ayaa martigelisay daahfurka Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.
Munaasabadda ayaa isu keentay hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya ilaalinta deegaanka iyo horumarinta si ay uga doodaan saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya. Doodaha ayaa muujiyay sida abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ay si weyn u saameeyeen bulshada, dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka beeraha.
Warbixinta ayaa tilmaantay baahida loo qabo istaraatiijiyado waara oo lagu xoojinayo awoodda bulshada ee la qabsiga xaaladaha cimilada ee isbeddelaya. Waxay sidoo kale tilmaantay in iskaashiga u dhexeeya dowladda, saaxiibbada caalamiga ah, iyo bulshooyinka deegaanka uu muhiim u yahay yareynta saameynta isbeddelka cimilada.
Daahfurkan ayaa muujinaya dadaallada socda ee la isku waafajinayo qorshayaasha horumarinta Soomaaliya, ilaalinta deegaanka iyo kobaca dhaqaalaha, si dalka uu uga gudbo caqabadaha la xiriira cimilada una gaaro horumar waara.
Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cumar Maxamed, ayaa sheegay in hindisahan uu ka caawin karo Soomaaliya inay hesho maalgelin iyo taageero caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda la xiriira ilaalinta deegaanka, tamarta nadiifka ah, iyo horumarinta dhaqaalaha.