| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Kalfadhigii 22-aad ee Ururka CEN-SAD ee Magaalada Tripoli
Kalfadhiga ayaa diiradda lagu saaray dib-u-hawlgelinta iyo xoojinta doorka Ururka CEN-SAD, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka gobolka, nabadda iyo amniga, caafimaadka iyo dhaqanka.
Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Kalfadhigii 22-aad ee Ururka CEN-SAD ee Magaalada Tripoli
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeybgashay kalfadhigii 22-aad ee Ururka CEN-SAD ee magaalada Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeybgalay kalfadhigii 22-aad ee Ururka Dalalka Saaxilka iyo Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo lagu qabtay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Kalfadhiga ayaa diiradda lagu saaray dib-u-hawlgelinta iyo xoojinta doorka Ururka CEN-SAD, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka gobolka, nabadda iyo amniga, caafimaadka iyo dhaqanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Geeska Afrika, gobolka Saaxilka iyo Waqooyiga Afrika.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee kalfadhigan ayaa muujinaya sida ay uga qeybqaadaneyso dadaallada joogtada ah ee heer gobol ee lagu horumarinayo iskaashiga, xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

XIGASHO:SONNA