| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Midowga Afrika oo waxba kama jiraan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Golaha oo kulan heer wasiir ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa caddeeyay in tallaabada lagu beddelayo xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid baal-marsan sharciga caalamiga ah.
Midowga Afrika oo waxba kama jiraan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Midowga Afrika oo waxba kama jiraan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland / Others
5 saacadood ka hor

Midowga Afrika oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna Celiyay Midnimada Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa war-murtiyeed adag oo ay soo saareen Khamiistii ku ganafka ku dhuftay aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay siisay maamulka Somaliland, iyaga oo markale ku celiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha oo kulan heer wasiir ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa caddeeyay in tallaabada lagu beddelayo xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid baal-marsan sharciga caalamiga ah.

Qodobbada Ugu Muhiimsan ee War-murtiyeedka:

  • Diidmada Aqoonsiga Israa’iil: Goluhu waxa uu "si kulul u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah (unilateral recognition) ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Somaliland," isaga oo dalbaday in go’aankaas degdeg looga laabto.

  • Sharciga Caalamiga ah: War-murtiyeedka ayaa lagu yiri: "Ma jirto cid ama dhinac awood u leh ama sharciyad u haysata inay wax ka beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal ka tirsan Midowga Afrika." Goluhu waxa uu intaas ku daray in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay "waxba kama jiraan (null and void)" oo aan wax saameyn sharci ah ku lahayn xeerarka caalamiga ah.

Go’aankan adag ee kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa jawaab toos ah u ah ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii December ee sanadkii hore, markaas oo ay shaacisay inay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya, balse ay si weyn u diideen dalalka gobolka.

Amniga iyo Siyaasadda Gudaha:

Dhinaca kale, Golaha ayaa soo dhaweeyay guulaha millatari ee dhawaan laga gaaray kooxda Al-Shabaab, waxaana ay ku dhiirri-geliyeen ciidamada amniga Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM iyo saaxiibada kale inay sii wadaan cadaadiska "si loo wiiqo, ugu dambeynna looga adkaado Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah."

Goluhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardar-geliso wada-hadallada loo dhanyahay ee ay la leedahay Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso.

Waxay xuseen in "qeybsanaanta dhanka maamulka dalka ay adkeynayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay dheereynayso dadaallada xasilinta iyo dhismaha dowladnimada."

Ugu dambeyn, Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo maalgelin waarta, la saadaalin karo, oo dabacsan oo loo sameeyo howlgalka AUSSOM si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
UNICEF oo ka digtay in carruurta Suudaan ay ku jiraan xaalad adag oo nafaqo-darro ah
NCA iyo BTK Turkiga oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga isgaarsiinta danabaysan
Diyaarad rakaab ah oo shil ku gashay garoonka Aadan Cadde iyo 55 qof oo saarnaa oo badbaaday
Ciidamada Kumaandooska ah ee Soomaaliya oo 14 xubnood ka tirsan Al-Shabaab ku dilay koonfurta dalka
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga garsoorka
Dibadbaxayaal oo isugu soo baxay Baarlamaanka Australia, kuwaas oo ka soo horjeeda booqashada Herzog
NISA oo howlgal wadajir ah ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab meel u dhow Saakow
Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM oo RSF ku eedeeyay dambiyo xasuuq ah oo ka dhacay El Fasher
Suudaan oo dib usoo ceshatay xubinnimadeeda IGAD kaddib hakad laba sano ah
Wasiirka Caafimaadka DFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WHO, kana wada hadlay iskaashiga
RW Xamsa: Waxaan u baahan nahay tacliin sare oo ka jawaabta baahida aqooneed iyo xirfadeed
Soomaaliya oo mar kale cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland kuna tilmaantay sharci darro
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac ah
Soomaaliya oo Daahfurtay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed si loo xoojiyo shaqo wanaagga
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti
Madaxda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amniga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka telefonka ugu hambalyeeyay dhiggiisa cusub ee Kuwait
22 qof oo ay ku jiraan dhaqaatiir oo lagu dilay weerar RSF ku beegsatay isbitaal ku yaalla Suudaan
MW Xasan Sheekh oo hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha