Madaxweyne Erdogan oo booqanaya Itoobiya Iyo Soomaaliya horraanta 2025

Madaxweyne Erdogan ayaa xusay in xidhiidhka adag ee Ankara ay la leedahay labada dhinac uu u saamaxay inay dhexdhexaadin ka sameyso khilaafka, taasoo aanay dalal kale awoodin.

Heshiiskan cusub ee Ankara ayaa la filayaa inuu noqdo mid wax ka beddela xiisadaha gobolka, isla markaana xoojiyo iskaashiga labada dal. / Sawirka: AA / AA

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa qorsheynaya inuu booqdo Itoobiya iyo Soomaaliya bilaha Janaayo iyo Febraayo 2025, taasoo qeyb ka ah dadaallada Ankara ee dhexdhexaadinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashadan ayaa daba socota heshiis taariikhi ah oo ay Turkigu garwadeen ka ahayd, kaasoo soo afjaray xiisad sanado socotay oo u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriirtay marin-biyoodka Badda Cas.

Madaxweyne Erdogan, oo Sabtidii la hadlayay dhalinyaro ku sugnaa gobolka Erzurum, ayaa sheegay in horumarkan uu yimid kadib kulan toddobo saacadood qaatay.

“Waan saxiixnay heshiiska, waxaana soo dhameystirnay shaqadii.” ayuu yiri Erdogan.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Arbacadii ku kulmay Ankara, halkaas oo ay ku saxiixeen Baaqa Ankara, bayaan ay ku caddeeyeen:

Ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal

Go’aankooda ku aaddan wada-shaqeynta mustaqbalka

Madaxweyne Erdogan ayaa xusay in xidhiidhka adag ee Ankara ay la leedahay labada dhinac uu u saamaxay inay dhexdhexaadin ka sameyso khilaafka, taasoo aanay dalal kale awoodin.

Erdogan ayaa xusay in muranka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya uu salka ku hayo arrimo dano gaar ah leh.

“Itoobiya waa dal weyn, laba jeer ka weyn Soomaaliya, balse waa dal aan bad lahayn. Taasi waa caqabad.” ayuu yiri.

Muranka ayaa cirka isku sii shareeray bishii Janaayo 2024, markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamulka Somaliland si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas, taasoo keentay xiisad siyaasadeed oo xooggan.

Erdogan wuxuu caddeeyay in Turkigu uu garab taagnaa Soomaaliya xilliyadeedii ugu adag, islamarkaana ay maal-gashi waxtar leh ka sameeyeen.

Ankara waxay taageero dhaqaale siisaa Soomaaliya, Turkigu wuxuu la saxiixday Soomaaliya heshiisyo dhanka difaaca ah, waxay gacan ka gaysteen la-dagaallanka ururada argagixisada.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Baaqa Ankara, wuxuuna yiri'; "Sidan ayaan ugu dhawaaqnay mustaqbal qurux badan Afrika, waxaan ugu bishaareynay adduunka oo dhan."

Erdogan wuxuu sidoo kale xusay in daacadnimada iyo rabitaanka wanaagga ay horseedi karto xal waara:

“Marka aan daacad nahay, wax walba way dhici karaan.”

XIGASHO: TRT World iyo Wakaaladdaha Wararka