Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Axaddii kulan la yeeshay Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha guddiga iyo dhammaystirka hindise-sharciyeedyada qabyo-qoraalka ah ee sugaya in loo gudbiyo Golaha Shacabka.
SHEEKOOYIN KALE
Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa guddiga faray inuu mudnaan gaar ah siiyo sharciyada khuseeya xuquuqda haweenka, qoyska iyo carruurta.
Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Golaha Shacabka uga go’an tahay xoojinta doorkiisa sharci-dejinta iyo korjoogteynta, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo horumarinta helitaanka caddaalad loo siman yahay.
XIGASHO:SONNA























